Hamigii Muqdisho Maxaa Helay? "Maqaal"


Kampala--KNN-- Waa Maqaal ka hadlaya Xaalada dhabta ah ee ka taagan Caasimada Soomaaliya.


 

 

 

 

 


Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya oo  Dhowr iyo Tobankii Sano ee la soo dhaafay Marti galineysay Dagaalo isugu jira kuwo ahliya iyo kuwo ku  saleysan Qaab Diimeed  isla markaana  galaaftay Nolosha Boqolaal Ruux oo Shacab  Soomaaliyeed ah  kuwaa oo aan waxba galabsan Malaayiin kalena ay kala Carareen Nafsadooda Musiibada ka dheceysay  Muqdisho isla markaana ay in badan oo ka mid ah Shacabkaasi  ku dac dareysan yihiin wadamada  la dariska ah Soomaaliya in badan oo kalena ay Nafsadooda ku haligeen Bada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Dalka Yamen  Tiro kalena ay Iyagoo Firxad ah ku naf waayeen  Saxaraha U dhexeeya wadamada Suudaan iyo liibiya  ayaa hada oo ay Dadku ku taamayeen in dhibaatadii ay dhamaatay oo Soomaaliya ay yeelatay Dowlad buuxda waxaa Xaaalka Caasimadu uu u Muuqdaa Mid alow sahal ah .

 

Shacabka Soomaaliyeed intii Dalka ka Carartay iyo inta ku nool intuba waxaa ay Rajo weyn ka qabeen oo ay ku haminayeen in Dalku uu Dagi doono oo dhibaatada laga bixi doono Mar uun,  hadana waxaa hami weyn sii galiyay  Markii Muqdisho ay ka dheceen Shirar Muhiim ah  oo lagu soo dhisay Dowlad aan KMG ahayn oo loo sheegay Shacabka in wixii hada ka dambeeya ay Dalka ku soo laabtaan intii ka carartay inta aan caga buuran ku taagneyn ee dooneysay in ka caratana ay is dajiyaan dalkana la xasilin doono  ayaa halkii ay ka sugayeen Hididiile wanaagsan waxaa u badalay Murugo caloolyow iyo habeen  iyo maalin walba ay maqlaan habel waa la dilay Dadkii Wax gal ahaa,

 

Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho waxaa ay u Muuqatay ka hor inta aan la badalin Nidaamkii KMG ahaa ee uu hugaaminaay Mudaane Shariif Sheikh Axmed  Mid soo yara hagaageysa oo waxaa sii yaraanayay Qaraxyadii faraha badnaa iyo Dilalka Micno darada ah ee lagula kacayay Bulshada Dadka in dhaha u ah in kastoo mararka qaar ay dhacayeen  waxaana la arkayay Qurba Joog fara badan oo Dib ugu soo laabaneysa Dalka isla markaana u ololeyneysa in la xoojiyo Hormarka yare e Muqdisho ay ku tilaabsatay , Qaarkood waxaa ay Bilaabeen Markii ay Spoo laabteen in Dib u dhis ay ka bilaabaan Dhimayaal Bur bursanaa oo Magaalada ku yaala  Qaarkood waxaa ay bilaabeen in ay Ganacsi abuuraan oo Waxaa Qaybo badan oo Muqdisho ka mid ah laga Hir galiyay  Baarar waaweyn oo aad u qurxoon ku was oo Bulshadu u damaashaad tageysay ilaa horaa loo yiri Dal walba Dadkiisaa dhisa  Mar baaba la is yiri  Muqdisho waxaa ay Cagta Saartay Wadadii ay heysay wixii ka horeeyay Sagaashameeyadii 1990 lkn Maxaa dhacay?

 

Waxaa badalay Hididiilihii iyo Dar dartii Socotay  in uu Joogsado Dhismihii Muqdisho ka Socday ee lagu soo Celinayay  Bilicdii Magaalaad in  Qaar badan oo ka mid ah Qurba Joogtii Dalka ku laabatay ay Mar kale Dib uga  cararaan Muqdisho oo ay  ku laabtaan Wadamadii ay ka yimaadeen  in badan oo horay u joogtana ay iyaguna nafsadooda kala carareen,

 

 Waxa laga cararay wax kale ma ahan dilka iyo qaraxa ayaa Muqdisho waxaa ay ka Noqdeen  kuwo Tiro dhaafay oo marka la eego Maanta Qaabka Muqdisho ay taahy Waxa lagu tilmaami karaa lama soo arkin intii Muqdisho ay Dagaaladu ka socdeen Dialalka oo intaa gaara Maalinkiiba.

 

Hada Muqdisho waxaa Markey ugu yartahay habeen iyo maalin isu geyn lagu dilaa ugu yaraan 10 Ruux Taas oo ah wax aan caadi ahayn kaaga sii darane waxaa ugu horeeya Dadkii indha u ahaa Bulshada sida Abwaanada Siyaasiyiinta Saxafiyiinta  Xitaa dumarka ayaan laga xishoon Dilkooda hadal hayntuna waxaa ay Noqotay habel waa la dilay oo yaa dilay lama Yaqaan . waa yaab oo yaa dilay ?

 

 

 

Tan iyo Markii la soo dhisay Hugaanka Dowlada Cusub ee Soomaaliya  Tirada Saxafiyiinta Muqdisho lagu dilay waxaa ay ku dhawdahay 10 in kale waa la dhaawacay  Dadka kale ee shacabka ah iskaba daa  oo waa tira beeshay  qaraxyo ayaa waxaa ay ka dhacayaan Goobaha Dadku iskugu yimaadaan  Magaalada Muqdisho Waxaa lagu tilmaami karaa xiligaan in ay tahay xiligii ay ugu qaraxyada iyo dilalka Badneed .

 

Iyadoo hadaba ay Arimahaasi Dhacayaan Hadana waxa ay dadku is weydiinayaan Maxaa wax looga qaban la yahay ama xitaa ugu yaraan ay Madaxda dalku uga hadli la yihiin oo ay uga aamuseen  Intaa dhibaatada dhaceysa ee aan ka soo sheekeeyay  Dadka geysanaya Waxaa ay ku dhex jiraan Magaalaad Muqdisho oo iyada dhami ka yar 20 KM isku weer  Ciidamada Magaalada Ka howl ghalana ee ama Boolis leh ama Nabad sugidna Waxaa ay ka badan yihiin dhowr Kun ugu yaraan  hadaba Sow lama dhihi karo waxaa Fududeeyay dhacdooyinkaan  Ciidamada oo iyagu gabay Howshii uu shacabku ka sugayay  ee ahayd sugida amaanka?  Jawaabta waxaan u deynayaa shacabka Soomaaliyeed

 

Waxaan  Mararka Qaar is weydiiyaa Su.aal  Taas oo aan ilaa hada jawaab u la.ahay .waxay tahay Su,aasha  Magaalada Muqdisho  Maalin kasta Waxaa ay Ciidamadu  ku soo bandhigaan Sigaa ah Hay,ada Nabadsugida  Hub fara badan qaraxyo iyo Miinootyin iyo wali dad ay ku sheegayaan in ay Yihiin dadkii Amaan darada ka waday magaalada Xabsiyada Muqdisho ayay ka buuxaan Qaarna waa la daayaa hadana marna Saxaafad lama tusin kiis cad oo lagu sheegayo Hebel oo la dilay waa kuwaan dadkii dilay,   inta badan waxaa ay dhacaan arimahaani markii ay wax dhacaan sida qarax ama dil . Bulshooy  aan su.aal ka dhigo mala dhihi karaa Qorshahaasi waa mid Micno kale xambaarsan oo hadii maalin kasta la soo qaban lahaa dadka dhibaatada geesta waa ay dhamaa la haayeenba ???

 

Madaxda Qaranka iyagu waxaa ay Noqdeen  maqal arag afkana xiro  oo Ilaa hada sidii  loo soo   Doortay Maalin Qura lama hayo oo ay ka hadleen war intee wax si ka yihiin Dadkaan la iska leynayo Yaa ka dambeeya Dilkooda  waxaadba Moodaa in aysan Dan ka laheyn  wixii la dilayo hala dilo uu Xaalku yahay

Mararka qaar waxaan is weydiiyaa  Marka aad Joogto Muqdisho waxaa Maqleysaa waxaa Caawa dagaal ka dhacay Degmada Dharkenley Xaafada Xoosh oo Al-Shabaab ayaa weerar Soo Qaaday Dagaalku saacado ayuu Socday  war intee Shabaab Dagaalka Soo qaaday Soo maray ee Gawaarida Ciidan wata Sow kuma Ciidamadii Joogaan Marko iyo Bali doogle dhinaca kalena  Joogaan Ceel Macaan iyo meel aan Jowhar ka Fogeyn Maa runta laga sheego Waxa dhacay  Mararka qaar ayan is iraa Filim maa la jilayaaa waa wax lala yaabo,

 Muqdisho Shacabka ku Nool Markaad la sheekeysato Waxaa ay kuu sheegayaan In Muqdisho habeenkiina ay Maamul gacanta ugu jirto maalintiina maamul Marka aad Dhuuxdo hadalkaasna waxaa  aaminee in uu sax yahay mararka qaar, 

 

Shacabka Reer Muqdisho ayaa iyana qaarkood lagu eedeeyaa in ay Qayb ka yihiin amaan Darada oo ay Qariyaan Dadka Dilalka  iyo Qaraxyada ka geysanaya Magaalada Muqdisho  sida ay sheegaan Saraakiisha amaanka Dowlada inta badan marka ay la hadlayaan Warbaahinta  waxaana Xaqiiqo jirto ah Marka laga soot ago Hadalka Saraakiisha in aysan Muqdisho ka jirin Wax wada shaqeyn ah oo sidaa u buuran oo ka dhexeysa Ciidanka iyo Shacabka Taasina waxaa ay qayb ka qaadaneysaa in aman darada ay sii socoto,

 

Hadaba Gaba gabada Maqaalkeyga ayaan Jeclahay in aan ku soo gunaanado  Oraah aan kula hadlayo Shacabka  Soomaaliyeed  iyo dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya waxaa leeyahay  Shacabka ka shaqeeya Amaankiina hadaadnaan adinku amaanka ka shaqeyn Maanta hadla Xaalku marayo meel ka xun ayuu u socdaa Xaqiiqdii waxa baaba,ayana waa adinka oo Qaraxyada iyo dilalka lagu hayo  Dhinacyada Soomaaliya isku haya halbaan leeyahay  Soomaaliyey Ogaada in aad is dishaan  wax micno ah ma keeneyso Awoodna Xalku kuma jiro ilaahay ka baqa oo Dagaalka iyo Colaada iska daaya Aakhiradiina Xasuusta Dhibaatada Dadka gaareysa fiiriya bur burka Dalka gaaray Fiiriya Dad darada haysata Shacabka Fiiriya Ogaadana in Dusha la idinka Fiirsanayo oo la idinku farxayo Sida aad isu leyneysaan ,

 

W/q/Axmed Cali Kaahiye

Email.Kaahiye 11@gmail.com

+256793351123

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments
Cajib dulqad yara macarur baa, walwal badanaa ma dalim baa, ilowsho dhowa ma dumarbaa, dalkan waxa u leyahay arday ku dhalatay dagalada ku dhex barbaartay waxana ku dhex baratay alxamdulilah waxa lagaray waqti ey wadanka wax ka qaban lahayen waxba haku cabirin nabada so noqoshada qaxotiga europe aman daradana dib u noqodkoda
Posted by Adan elmi on 12/17/2012 11:12:46 PM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)