Maxad kataqan xaafada Islii, maxeyse tahay ujeedka qaraxyada haatan ku soo noqnoqday xafadaasi?(Warbixin)


Islii waa xaafad dhacda ama kutaal degmada kaamakunji ee casimada wadanka Kenya


 


 

 

 

 

Islii waa xaafad dhacda ama kutaal degmada kaamakunji ee casimada wadanka Kenya waana xaafad qadiimi ah lehna taariiqo sojireen ah oo qomiyado kala duwan oo Kenyan ahayn ay  soo xusuustaan sida qoomiyada Hindida, Ethiopianka, Eritrean-ka, Sudanta koonfured iyo Soomaalida ayaa ah qoomiyada hada deegaan ahaan ugu badan xaafadaasi.



Hindidu waxa ay ahayd qoomiyad islii xoog lagaga saaray  iyaga oo wali damaciga xafadasi kujiro ka gadaal markii Soomaalidu uga itaal iyo xeelad dhaqanba roonaadeen waxeyna ahaayeen qoomiyada ugu hantida iyo ganacsiga badanaa xaafadaasi.



Qoomiyadaha kale waa kuwo aan dhaq dhaqaaq ganacsi ama nololeed aan kulahayn xaafada Islii sida Soomaalida hase ahaatee waxaa jira goobo dhowr ah oo kuyaala wadooyin farakutiris ah sida wadoyinka loyaqan four street iyo ten street ayaa ah rugta ganacsiga ama meheradaha bulshadu ku caweyso ee qoomiyada Ethiopian-ka iyo Eriterian-ku kuleeyihiin xaafadaasi.




Guud ahaan Islii waxaa deegaan ahaan dega Soomaalida dhulkeeda ugu badan iyaga ayaana ugu ganacsiweyn oo waxaaba Kenyanku ay uyaqaanaan Muqdisha yarey.



Kenyan-ka xaafadaasi dagani waa kuwo dhaqan ahaan iyo nolol ahaanba haatan kutiirsan ilbaxnimada Soomaalida waxana ay kumilmeen Soomaalida oo ay sheegaan in ay kadhaqan iyo saaxiib fiicanyihiin qoomiyada kale sida Hindi-da iyo Ethiopian-ka kana deeqsi sanyihiin.



Waxaa jiray mararka qaar wa xoogaa isir nacayb ah oo siyaasiyiinta wadankaasi horgeeyaan baarlamaanka wadanka Kenya oo ay ku doonayaan in xaafada Islii iyo Soomaalida wax laga qabto waxaana Soomaalida iyo Kenyan-ka shacabka ah ee degan xaafadaasi kuusheegayaan in Hindidu ka danbeyso falalkaasi iyaga oo ka xun horumarka ganacsi ee Soomaalidu kuhayso xafada iyo iyaga oo moodo in ay ku siifidayaan guud ahaan wadanka Kenya oo Hindi-du ahayd awal qoomiyada ugu tunkaweyn ee gacanta kuhaynjirtay ganacsiga dalkaasi balse iminka ay Soomaalidu ugasii balaaranayaan kana sii jabantahay qiimo ahaan mida Hindi-da ay kaganacsanayaan.



Malin maalmaha kamid ah oo baarlamanka Dalka Kenya arimaha Somalida iyo xalada islii uu kadoodayay ayaa waxaa baarlamanka hadal kajeediyay raysal wasaaraha dalkaasi rayla omolo odhinga isaga oo siweyn utaageeray howsha ganacsi ay somalidu kawado xafada Islii waxana uu si lamafilaan ah kusoo bandhigay dhowr iskujoog oo ah dharka loyaqan Suudka ama futushariga lagana soo iibiyay suqa Soomaalida ee xaafada Islii iyo dharlamid ah oo lagasoo iibiyay dukamada ganacsatada Hindida ah ee kuyaal gudaha magalada Nairobi waxa uu sheegay Mr. Rayla in tayo ahaan dharkani iskumidyahay hase ahaatee uu nan qiimo ahaan iskumid ahayn ee kan suuqa xafada Islii uu qiimo jabanyahay sidaa daraadeedna loobaahanyahay in laga soo du kaameysto suuqaasi waxna laga qabto waddo xumida kajirta xafada Islii oo ah buu yiri Odhinga halka ugu balaaran ee canshuurta dalku ka soogasho.

 



Haatan xaalku sidii hore maahan waqtiguna waqtigii maahan ee waxaa gabi ahaanba isbadalay amaankii xaafada Islii oo waxaa soobatay qaraxyo kadhacaya xaafada oo geysta waxyeelooyin isugujira dhimasho, dhawac iyo bur burhantiyeedba. Falalkaasi ayaa dowlada Kenya waxa ay had iyo goor ku eedeysaa koox diimeedka Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya horena mararbadan ugu han jabtay Kenya in ay weraro kageey sandonto maadaama Kenya ay haatan qayb ka tahay ciidamada midowga Afrika ee labaxay amisom hogamineysana dagaalkii lagula wareegay magalada Kismayo kadib dagaalo dhowr ah oo ciidankeeda iyo shabaabka ku dhexmaray jiida dheer ee magaalada Kismayo lawadaagto xadka Kenya.




Sida ay horeba dowlada Kenya usheegtay xaafada Islii waa ay joogaan shaqsiyaad ama taageerayaal katirsan kooxda shabaab hase ahaatee majiraan wax cadeymo ah oo muujinaya in ay shabaabku geeysanayaan qaraxyada kadhaca xaafadaasi Islii wallow ay caado uleeyihiin in ay sheegtaan waxa dhibaatada ku’ah umada soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan.


Hadaba qaraxyadani maxay noqon karaan?

Marka lagayimado baratanka dhaqaale ee ka dhaxeeya Hindida iyo soomaalida waxaajira howlo kale oo dadka Soomaalida ay kawadaan xaafada Islii kuwaasi oo kadhaca dhamaan wadooyinka waaweyn ee xaafadaasi iyo masjidyada kuyaala taasi oo ah in dadka kenyanka ah ee haysta diinta masiixiga ah ku muslimiyaan kadibna ay siiyaan waxoo dhaqaale ah maadaama ruuxa kenyanka ah ee muslima uu kasoo go’ayo noloshii dadkiisii hore ee masiixiga ahaa kalana kulmayo faquuq iyo nacayb uusan hore ugu qabin.



Waxaa dowlada Kenya ay hore usoo qabatay rag ay ku’eedeysay in ay fulinrabeen qaraxyo oo Kenyan ahaa markii labaarana ay cadaatay in ay masiixiyiin ahaayeen oo aaney ahayn muslimiin waxana kuwaasi kamid ahaa ragii loo xir xiray qaraxii kadhacay goobta loo nasiinada iyo dalxiiska tago ee Uhuru-back sanadii lasoodhafay.




Sikastaba ha ahaatee waxaa iskacad in shabab kadanbeeyaan qaraxyada iyo falalka dilalka ah ee kadhaca gaarisa iyo guud ahaan gobolka waqooyibari hase ahaatee kuwa islii waxaanu oran karnaa waa kuwo wajiya badan ubaahan baaritaan dheer oo rasmi ah qaadankarana mudo balse mahan kuwo loo xaglinkaro qoomiyada soomaalida ah booliska dalkaasi Kenyana maahan kuwo ubisil haatan fulinta howshaasi ama dhowrista amaanka Islii oo waxa faa iido ay ku qabaan eeda had iyo goor loo jeediyo soomaalida taasi oo wado ganacsi usii furta fursadna usiisa in ay sooqab qabsadaan Soomaalida kadibna ay kasii beec mushtaraan siideeyntooda.

 


Waxa Diyaariyay Daa'uud Cabdi Daa'uud




 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)