Maalmaha La xuso oo ku soo badanaya Soomaaliya (Faalo)
Mogadishu--KNN--Somalia Beri samaadkii waxa ay leheed maalmo kooban oo laxuso sida, Maalinta Xuriyada
Somalia Beri samaadkii waxa ay leheed maalmo kooban oo laxuso sida, Maalinta Xuriyada, maalinta Calanka, maalina Haweenka, maalinta Shaqaalaha, maalinta Dhilnyarada, maalinta Dhirta, maalinta caafimaadka, maalinta caruurta, maalinta Xuquuqul insaanka iyo maalinta Sports iyo maalmo kale oo laga yaabo inaan kategay kuwaaso oo gabi ahaantood laga dareemi jiray guud ahaan dalka islamarkaana dadku ay u xiisi jireen maalma laxusayo waxayna maalmahaani katur jumaayeen munaasabado taariikhi ah oo looga galahaa in umada sooomaliyeed meelkasata oo ay joogto ay maanka ku heeyso.
Hasa yeeshe maalmahaan danbe waxa Dhaga maqalkeena ku soo batay maalmo iyo magacyo loobixiyay oo tiro badan sida maalinta faraxalka maalinta jaceeylka maalinta musqulaha maalinta Dulqaadka maalinta Farxada maalinta la xisaab tanka maalinta timajarka maalinta barakacayaasha maalinta hadiyadaha malinta candhuuftufida maalin tacidiya jarka malinta xaqdhoowrka maalinta ubaxa maalinta xisbiyada maalinta isbedelka maalinta guri xaaqista
Iyo sidoo kale maalinta darbi jifka maalinta talaalka maalinta bacaha maalinta qashinka maalinta gabdhaha maalinta aabaha maalinta waalidka maalinta cuntada maalinta beenta maalinta cadayga maalinta xayawaanka maalinta shinbiraha maalinta xaquuqda qofka maalinta macalinka maalinta gudniinka maalinta xadgudubyada maalinta isbooqashada maalinta caajiska maalinta bilicada maalinta musuqnmaasuqa maalinta lamaanaha maalinta kaluunka maalinta qubeeyska maalinta qalin maalka maalinta ka hortagedi canaanta maalmo kale oo aad u tira badan.
Hadaba maalmahaan soomaliya lagu arko iyadoo lagu xusayo iyo magacyadooda waa hubanti in dad badani ay ay layaabanyihiin sideeyda oo kale hasa heeshe ay suurta galtahay iney uga gaabsanayaan qura inay tahay hoowshani qorshe dhaqaale lagu uruursanayo balse dhanka kale hadaan ka eegno soomalida oo ah dad muslim ah Maxay u dhimi kartaa akhlaaqdooda iyo dhaqankooda Maalmahaan laxusayo?
Uma baahna jawaab dheer tusaale maalinta beenta maalinta is xisaabinta maalinta maalinta waalidka maalinta jaceylka maalinta lamaanaha maalinta faraxalka maalinta cijiya jarka malinta hadiyada iyo ku wakale oo badan ayaa dhamaantood u muuqda kuwa lagu marin habaabinayo Muslimiinta waayo beentu waa ka Xaaraan qofka muslim ka ah inuu sheego
sidoo kale halki ay ka aheeyd in qof kastaa oo muslim ah inuu is xisaabiyo saacadkasta oo nolosha kamid ah in uu is xisaabiyo ma oran karnaa sanadki halmar ha is xisaabiyo ama hala xisaabiyo.
Maalamaha kale ee loo kala qobqobay maalma kamid ah Sanadka waa qodobo ka hor imaanaya gabi ahaantood Xadiiskii ahaa “Nadaafadu waa iimaanka barkiis” oo macnaheeda aheyd in qof kasta oo muslim ah looga baahan yahay in saacad kasta oo jirjkisa nadiifiyo madama ay dintuuni tahay diin nadaafadeed diin naxariisa haba diin cadaalad din ixtiraam iyo dhamaan arimahaas dhan ay ku idil yihiin hadaba xuska maalmahaan iyo ujeedooyijnka dambeeya aan u dhaafo akhristayasha iyo dhageystaash.
Aniga waxaa iigu darneen marki aan maalin maalmaha ka mid ah nalakoo yeeray goob ay xaflad ka socotay si hoose uma aanan ogeyn waxa ay ku saabsaneen balse marka aan goobta tagay ayan ogaaday in la xusayo malinta faraxalka aduunka mudo gaaban ka dib aya dadkii goobta joogay waxaa loo dareeriyay goob lagu diyaariyay caagado tuboyin laga suray oo ay biyo ku jiraan si ay ugu falaxashaan balse ma dhicin ruux lo falaxalay waxa loo keeni jiray oo ahaa cunto halkii aan ka sugeynayna waxaa nala ku wargaliyay in ay munaasabadii dhamaatay marka aad si miir qab ah u eekto astaamaha maalmaha waxaa kuu soo baxaya in aysan ka imaan dhul muslim.
Inkastoo aanan hobooneen marna laguma xusin maalinka culuma udiinka maalinka qur’aan aqriska maalin ka wanaag isfarida maalinta ka hortaga xumanta iyo hal dhigyo kale oo mla mid ah kuwa islaamka ay qaataan.
Tan kale hadii xaalka lagu kala caleemeesanayo maalmaha oo sidan ay ku sii socoto waa hubanti in 360 malmood ee sandka in la kala xoreysanayo maalin kasta hadaba side laga yeelayaa bulsho kale oo jecleed in la siiyo maalin u gaar ah sida maalinka qaadka maalinka muryaanta maalinka isbaarada iyo maali nka odoyash oo aan lagu darin maalmaha la xusaayo.
WQ/ Cabduqaadir Maxamed Faarax Dulyar


















Mogadishu Time







