Maxaad Ka Xasuusataa 3-da December (Warbixin Gaar ah)


Muqdisho--KNN--Waxa ay ahayd maalin naxdin iyo murugo badan 3-dii Desembar sanadkii 2009 waayo waxa dhacay


 

 

Waxa ay ahayd maalin naxdin iyo murugo badan 3-dii Desembar sanadkii 2009 waayo waxa dhacay lama fileyn, jawiga waxa uu ahaa mid farxadeed lakiin mar qura ayuu isbadalay.

 

Maalinta waxa ay ahayd Qamiis xili  barqanimo, waxaa Hoteelka Shaamoow ee magaalada Muqdisho ka dhaceysay Xaflad aan loo kala harin oo si heer sare ah loo soo agaasimay taasi oo ay ku qalin jabinayeen ardey  dhamaysatay Kuliyadaha caafimaadka, waxbarashada, kombuter seynis iyo IT oo Mudo 6 sano ah wax ka baranaysay Jaamacadda Banaadir.

 

Xafladda waxaa kasoo qeyb galay Ardeydii Qalinjabinaysay, Waalidiintooda, Maamulka Jamaacadda, Macalimiin dhaqaatiir u badan, Wasiiro, Saxafiyiin iyo marti sharaf kale oo la casuumay kuwaasi oo dhamaantooda dhoola cadeynayay farxad darteed haba ugu farxad badnaadeene ardeyda.

 

Furitaanka  Munaasabada markii ay qudbadaha bilaabanayeen ayaa iyadoo oo uu qudbeynayo Pro.Cismaan Max’ud Dufle oo bare ka ahaa Jaamacadda Banaadir waxaa isku qarxiyay Hoteelka ruux isasoo miidaamiyay jawigana waa uu isbadalay.

 

Al Shabaab oo looga bartay weerarada isqarxinta waxa uu beeniyay Afhayeenkooda Cali dheere  inay ka dambeeyeen, isaga oo dowladii xiligaasi jirtay dhexdeeda  farta ku fiiqay.

 

Xasan Daahir Aweys Hogaamiyihii Ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray Al Shabaab ayaa cambaareeyay qaraxa oo muujiyay sida uu uga xun yahay.

 

Pro.Dufle waa shaqsigii isaga oo qudbad ka jeedinaya Munaasabada qalinjabinta ardeyda Jaamacadda Banaadir uu qaraxa ku dhacay waxa uu iiga waramaya  maanta oo kale 3 Desembar waxa uu ku xasuusto.

 

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin abwaanada iyo fanaaniinta ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhibaatadii ka dhalatay Qaraxii 3 desembar.

 

Cabdi Shire Jaamac Ciyaar jaceyl ayaa hees marka aad dhageesato ku xasuus galineysa ka sameeyay qaraxaasi taasi oo ay ku luqeynayaan Kooxda Qeyla dhaan.

 

Cabdi Shire Jaamac oo miraha heestaan ay maskaxdiisa kasoo curatay ayaa weydiinay waxa ku dhaliyay iyo muhiimada ay leedahay.

Xaflad warkeedaba daa Dadka badankooda waxa ay noqdeen waxa dhintay iyo wax dhaawacmay intii badbaadeyna naxdin ayaa la daristay.

 

Xubanaha dadka dhintay ayaa go’goay meesha waxa ay noqotay meel dhiig oo hilbana ay daadsan yihiin, intii uu Alle badbaadshay iyo in kale oo usoo gurmatay ayaa dhaawacyadii qaaday oo ula cararay goobaha caafimaadka.

 

 

 

Weerarkaasi Hoteel Shaamoow waxaa ku dhintay dad tiradooda ay gaarayso 30 ruux in ka badan 50 kalana wey ku dhaawacmeen kuwaasi oo isugu jiray ardey, Wasiiro, Macalimiin, Waalidiin, Saxafiyiin iyo martidii kale.

Dowladda waxaa kaga dhintay qaraxaasi 4 wasiir oo kala ahaa wasiirkii Waxbrashada  Axmed C/llaahi Waayeel, wasiirkii Tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow, wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

 

3 Wariye oo lagu kala magacaabayay Max’ed Amiin  Aadan Cabdulle, Xasan Subeyr Xaaji Xasan oo sawir qaade u ahaa telefishinka Al-Carabiya iyo Wariye Yaasir ayaa dhintay 6 Saxafi oo kalana wa ay dhaawacmeen.

 

 

Jaamacadda Banaadir oo qasaaraha ugu badan uu gaaray ayaa tirakoob ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in Maamul, Macalimiin Ardey iyo Waaldiin ay ka dhinteen 10 ruux 35  kalana ay ka dhaawacmeen.

 

 

Madaxweynahii dowladii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh axmed oo ka hadlay  Qaraxa ayaa Falkaasi ku tilmaamay fikir shisheeye oo ay ku waayeen dad qiimo badan lakiin tani waxa uu sheegay in aysan waxba u dhimi doonin oo aysan uga weecaneynin dowladda dhabaheeda.

 

Shareecadda Islaamka maxay ka qabtaa falkaasi lagu qarxiyay ardeyda iyo falalka la midka ah sideesa Culumada u aragtaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ka hadlaya.

 

 

Magacyada dadka ka geeriyooday Jaamacadda oo ay soo bandhigtay oo labo ka mid ah ay Waalidiin ahaayeen ayaa waxa ay kala yihiin.

Prof. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid)    Gudoomiyihii  Hay’ada Benadir ee Tacliinta Sare iyo Caafimaadka

Xuseen Macalin Xasan

Max’ed C/qadir Max’ed  

 Axmed Xasan Xuseen

Muxyadin Aweys Axmed  

Maxamed C/lahi Cali (Dayax)

Jamaal Luqmaan Ismaciil  

Aadan Mukhtaar Xasan (Korneele)

Abubakar Xuseen Faarax     (Qoorey)      

Abubakar Ibrahim Xasan

Kuwa dhaawacmay

Dr. Max’ed Max’ud Xasan (Bidey)  Hormuudka kuliyada   Caafimaadka

Dr. C/lahi Sheikh Xuseen (Bushkaleeti)  

Dr. C/lahi Xuseen Maalin     

Dr. Tahliil Cabdi Afrax

Dr. Maxamed Axmed

Maxamed C/qadir Nur

Aadan Maxamed Macalin (Maato)

Jaylaani Qaasim Sayid        

Ismaciil C/raxman Max’ed    

Axmed Cali Aadan    

Dr. Axmed Shiikhdoon Diini  

Dr. Xuseen Cusman Cabdulle

Dr. Max’ed Qaasim Xasan   

Dr. Ilyas C/ladif Sh. Yusuf   

Dr. C/lahi Maxamed sh. Max’ed 

Dr. Xuseen Mahad Axmed 

Dr.Bashiir Xuseen Cusmaan   Dhaawac

Dr. Yonis Ali Afrah     Dhaawac 

C/kariin Max’ud Kaahiye    

Cusmaan C/lle Faarax Dhaawac  

Cabdirahman Abdikarim Ahmed 

Dr. Sakhawadin Ahmed Sh.

C/qadir Cali Cabdi   

C/xakiin Faarax Kaarshe       Dhaawac

C/qadir  C/lahi Axmed          Dhaawac

C\qadir Maxamed Siyaad    

Maxamed Macalin Cusman 

Cusman Axmed Xared Dhaawac

Caydaruus Maxamud Maxmed  

Axmed Cabdi Xusen   Dhaawac 

Cabdullahi Max’ud Xasan  

Cabdirahman Aden Buule 

Maxamed Cabdirahman Khaliif 

Eng. Cumar Cabdi Maxamed  Dhaawac       Waalid

Prof. Xusen Tooxow Faarax  Dhaawac       waalid

Xasan Maxamed Cabdi         Dhaawac       waalid

 

Dhaawacyadii  ka dhashay qaraxii Shaamoow 3 Desembar 2009 waxaa loo qaaday kuwooda liita dalka dibadiisa sida Sacuudiga, Wariye Madaale ayaa ka mid ahaa dadkaasi.

 

Dibadbaxyo looga soo horjeeday dhacdadii Hoteelka Shaamoow oo ay dadka dareenkooda iyo sida ay uga xun yihiin  ku muujinayeen waxa ay ka dhigeen qaar ka mid ah gobolada dalka iyo dibadiisa, sida Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya iyo deegaanada Puntland iyo dalka dibadiisa .

 

Inkastoo aad mooda Soomaaliya in haatan ay hiigsanayso wax xoogaa Horumar ah hadana ma aha mid ilowday waxii ka dhacay Hoteelka Shaamoow 3 December 2009 taasi oo xasuus aan go’aynin ku reebtay Umada Soomaaliyeed.

 

 

W/D/ :Wariye Maxamed Cali Axmed (Rooraaye)

Wariye: C/Qadar C/laahi Maxamed

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)