Juventus oo sii xoojineysa Dalabkeeda Drogba


Torino--KNN--Kooxda Juventus ee hogaanka u haysa horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa sii xoojisay dalabaadka


 

 

 

Kooxda Juventus ee hogaanka u haysa horyaalka Serie A-da Talyaaniga ayaa sii xoojisay dalabaadka ay ku dooneyso soo qaadashada laacibka weearark uga ciyaara kooxda Shiinaha ka dhisan ee Shanghai Shenhua.

 

 

Laacibkii  hore ee weerarka uga ciyaari jiray kooxda Chelsea ayaa waxaa lagu wadaa in uu dib ugu soo laabto qaaradda Yurub kana ciyaaro mid ka mid ah horyaaladda dunida ugu xiisaha badan.

 

 

Mar la weydiiyay drogba halka uu ku wajahanyahay ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in uu doonayo in uu mar kale ka mid noqdo ciyaartoyda ka xamaasha qaaradda Yurub waxaana uu shaaca ka qaaday in uusan sameyn doonin wax xulasho awoodeed ah oo dhanka naadiyada ah.

 

 

 

Waxaa sidoo kale kooxda Juventus ay soo Bandhigtay lacagta ay ku dooneyso laacibkaasi Ivory Coast ka soo jeeda waxaana ay shaaciyeen in ay bixinayaan lacag dhan 35-Million oo Euro waxaa sidoo kale kooxda Shanghai Shenhua ay shaaca ka qaadeen in aney ku iibin doonin xiddigani qarashaad ka yar 45-Million oo Euro hase ahaatee wada hadalada laba naadi waa mid wanaagsan oo meel xiiso leh maraya waxaana suura gal ah ayaa la leeyahay in Shanghai Shenhua lagu qanciyo in January uu drogba ku biro Juventus.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)