RUNTA IYO HUFNAANTU KULMIYE WAA U SHARAF, BULSHADUNA WAA U HIILLO.
Stockholm--KNN-- Waa Faalo Xiiso Badan Waxaana Diyaariyay Wariye Abuukar Al Badri
In kastoo diryanka miyuusiga laga soo dheehay heesaha qaraamiga ah uu si isku mid ah uga shanqaro mowjadaha FM-yada ku lalisan hawada magaalada Muqdisho, codad wareedyada dabayaalla dawanada war tebinta ayaa si weyn u kala soocaya taas oo ay ugu wanac tahay tifaftirnaanta, sugnaanta iyo hufnaanta ay warbaahinta qudheedu is dheer tahay iyo asluubta warbixinada loo tebinayo intaba.
Falsafada ka dambeysay abuuridda idaacadda Kulmiye ee aan maanta ugu wanqalayo magaca cusub ee “Raadiyow Bulsho-Kulmiye” waxay aheyd mid lagu dhisay hadaf aragti fog oo ay gundhig u tahay isu keenidda ummadda Soomaaliyeed ee la kala irdheeyey, toosinta hab fikirka bulshada, dhiirigelinta wax soosaarka iyo taabagelinta horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka, waxaan cod dheer ku dhihi karaa labo sano kaddib hadafkii loo unkay “Bulsho-Kulmiye” wuu miro dhalay.
Caafimaad qabka wararka iyo barnaamijyada ka baxa idaacadda kulmiye iyo hal-beegsigooda ku liishaaman walaaleynta bulshada, difaaca qaranimada iyo danaha ummadda ayey icaaddani labo gu’jirsatay ku kasbatay in ay dhegeystayaasha u arkaan warbaahin uu ALLAAH u soo adeejiyey, taas oo ay ka helayaan warar iyo barnaamijyo aanan marnaba maskaxda iyo dareenka qofka Soomaaliyeed u geysaneyn wax dhaawac ah ama ku reebeyn saameyn xun.
Ammaantaasi waxaa leh aasaasyaasha idaacadda oo hadafkooda ka dhigay toosinta bulshada iyo u iftiiminta danaheeda wanaagsan, agaasinka idaacadda oo ah mid juhdiga ugu badan geliyey turxaan bixinta iyo ka ilaalinta dhegaha bulshada hiilooyinka iyo wararka aan waxtarka laheyn iyo tifaftirka idaacadda iyo diyaarsanaantooda laga dareemayo hufnaanta iyo isku tolnaanta barnaamijyada.
Barnaamijka Baryo samo ee soo gala aroortii hore miseba ay dhexaalka u tahay heesta “Bulshayahay ma nabad baa” ee uu qaado fanaanka heerka qaran ee Xasan Aadan Samatar ayaa daahfur u ah adeeg-maalmeedka ay idaacadda u qabato ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho iyo hareeraheeda.
Dadku waxay barnaamijkaas ka dheehdaan sida ay ku bariday magaalada Muqdisho. Gobalada dalka iyo Degmooyinka ayaa iyagana xaalkooda baryo-samo lagu faaqidaa. Barnaamijkan waxaa lagu soo bandhigaa barnaamijyo xambaarsan macluumaad ay dadka ku go’aansadaan in ay maalintaas shaqo tagi karaan iyo inkale iyagoo ku eegaya xaaladaha amniga ee lagu soo tebinayo barnaamijkan.
Halka warbaahin badan oo dalka ka jira uu warkooda koowaad ka yahay kan dhiilada leh iyo kan qalqalka abuuraya Raadiyaha Bulsho-Kulmiye wuxuu muhiimadda warar aad u saaraan inuu bulshada u soo hor marsiiyo wararka ka hadlaya horumarka, waxbarashada, nabadda iyo isdhexgalka bulshada, iwm.
Sida ku cad qaraarada u qoran idaacadda iyo bayaanadooda aragtiyeed ee laga baahiyo idaacadda, Kulmiye wax door ah ma siiso dagaal oogayaasha bulshada kala geeyay, wadaadada siyaasadeed, dagaal ka macaashayaasha, burcad badeedda, tan beriga iyo inta dhabbe qaldan ku dooneysa inay bulshada kaga macaashaan. Taasi beelkeeda waxay idaacadda Kulmiye bulshada u ifisaa kooxahan kor ku tilmaaman dhaliilahooda iyo halista ay bulshada ku yihiin intaba.
Kalsoonida ay Bulshada ku qabto Raadiyahan Bulsho-kulmiye waxaa laga dhex dheehan karaa dareenka bulshada iyo kalsoonidooda ku aadan hawlaha warbaahineed ee kulmiye.
Waxaan fadhiyey maqaayad lagu shaaho oo ku taala xeebta Liido, waxaa meel aan sidaas iiga fogeyn ku sheekeysanayey labo odey oo iyagana xeebta u yimid in ay ka qaxweeyaan maqaayadan biyaha badda kaabiga ku heysan.
Mid ka mid ah labadii odey ayaa wuxuu kii kale way diiyey Haddii uu idaacadaha dhegeystay iyo waxa sheegeen. Odeygii labaad ayaa wuxuu ku jawaabay “Aniga Kulmiye ayaan dhegeystaa, iyaduna belo ma sheegto, war kooban oo hufan ayey sheegtaa”.
“Kulmiye belo iyo been midna ma sheegto” ayuu odeygii kale saaxiibkii ku marxabeeyey. Sidii ayeyna ku guda galeen inay Sambuus iyo qaxwe loo keenya ku casaryeeyaan.
Kalsoonida buuxda ee ay Raadiyow Bulsho-Kulmiye ku qabto ummaadda iyo aaminaadda runsheegnimo ee loo hayo waxay sharaf aad u weyn u tahay aasaasayaasha Raadiyahan oo uu hormuudka u yahay Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo lagu xasuusto gabayadiisii taariikhda galay ee isugu jiray gubaabada, taariikhda iyo toosinta bulshada, kuwaas oo uu kaga hor yimid ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee duulaanka ku qabsaday Muqdisho iyo gurmadkii hagar la’aaneed ee Abwaan Guure iyo Abwaan Abshir Nuur Faarax (Bacadle) ALLAAH ha u naxariistee u fidin jireen masaakiinta xilligii ugu darneyn macluusha.
Halka Idaacado badan laga siidaayo heeso ay isku ammaanayaan, iyo barnaamijyo ay ku doonayaa in ay Bulshada isaga iibiyaan, Kulmiye waqti badan ma geliso in ay is xayeysiiso, balse waqtigii ay isku xayeysiin laheyd waxay ku buuxisaa fariimo bulshada wax tar u leh, idaacaddana sumcad u leh, warbaaintana ku dayasho ka mudan.
Halkudhyo badan oo Raadiyaha Bulsho-Kulmiye ka baxa ayaa aad soo jiidasho u leh, waxaana ka mid ah oraahdan ay daahfurka uga dhigaan barnaamijyada ee ah “Fitno ruux ka shaqeeya uma heyno war fiican” oo macnaheedu yahay in Raadiyahan uusan marnaba u hiillineyn ruux fitno ka dhex abuuraya bulshada.
Fariimo kookooban oo kale oo ay cinwaankoodu yahay “Kulmiye Diidday warkaas” ayaa waxay quus badan geliyaan dhagar qabayaasha muddada dheer dalka iyo dadkaba dhibaatada ku hayey misena idaacaddaha sida dadban ugu adeegsada hurinta dagaalada sokeeye iyo kala fogeynta ummadda.
Tani waxay na tuseysaa in Bahda Raadiyaha Bulsho- Kulmiye ay iska diideen dhammaan wararka astaamaha xummaanta ah leh, kuwa aan bulshada macne u sameyneyn iyo dhiilooyinka colaadeed.
Fariintan waa xayeysiis qaran, waxaan sidaas u leeyahay waxay ka baxeysaa idaacadda iyadoo dadka dhibaatada dalka iyo dalka u horseedaya u sheegeysa in aysan isku soo haleyn Raadiyaha Kulmiye. Fariinta oo weriyeyaal codkooda si talantaalli ah isugu dhaafdhaafsanayaan waxay leedahay.
Hadaad dagaal hurineyso
Ama aad beelo direyso
Ama aad wax dileyso
Dabka I shid gar maahee
Kulmiye Diiday warkaas
Raadiyahan waa raadiyaha kaliya aa xayeysiis xur ah oo aan cidna lacag loga qaadaneyn u sameeya wax soosaarka dalkeena, sida caanaha xoolaha oo ay Kulmiye aad ugu booriso hooyooyinka Soomaaliyeed in ay ubadkooda siiyaan, inta ay siin lahaayeen kuwo dibadda laga keenay. Sidoo kale dalaga beeraha, Kalluunka, farxashaxanka, Fanka iyo Suugaanta ayuu aad u dhiirigeliyaa Raadiyahan Kulmiye.
Barnaamijyada
Marka laga soot ago barnaamijka baryo-samo ee aroortii lagu daahfuro idaacadda, barnaamijyada aniga sida gaarka ah ii saameeyey ee aan ku taxanahay waxaa ka mid ah Barnaamijka OGAAL ee soo gala 1.30pm duhurnimo, kaas oo si maalinle ah loogu faaqido hadba arrimaha heer caalami ah ee markaas taagan, gaar ahaanna kuwa gobalka geeska Afrika iyo Soomaaliya saameynta ku leh.
Barnaamijka Kulanka Kulmiye ee soo gala galabtii abaare 3.00pm ayaa isagana wuxuu bulshada aad ugu faa’iideeyaa daraasaadyada cusub iyo waxyaaba ku soo kordha caalamka ee ay ka midka yihiim Tiknoolojiyada iyo culuunta cusub ama barnaamijyada cusub ee nolosha aadahana taabanaya.
Barnaamijyada talo-wanaag ee soo galay 8-da saac ee fiidnimo iyo Kulanka Saxaafadda ee soo gala todobaadkii hal mar maalinta Jimcaha ayaa waxay sidoo kale soo jiitaan dhegaha dad badan oo aqoon yahano iyo adeegayaal bulsho ah, kuwaas oo arrimaha lagu faaqido barnaamijyadaasi la socda in badan.
Raadiyaha Kulmiye wuxuu leeyahay barnaamijyo maaweelo ah oo si gaar ah xiise ugu leh bulshada, kuwaas oo lagu saleeyey matalaadyo dhaqanka bulshada ee colaadaha saameeyeen lagu turxaan bixinaayo iyadoo hadafkuna yahay in bulshada loo iftiimiyo dhanka wanaagsan lagana soo duwo dhanka aan wanaagsaneyn.
Idaacadda Kulmiye waxay mowqif aad u cad ka leedahay arrimaha dhexdhexaadnimada bulshada qeybaheeda kala duwan iyo madaxbanaanida ay ku shaqeeyaan. Taasi waxaa daliil u ah halkudhigga ay ku shaqeeyaan oo ah kulmiye kulama jirto kaamana jirto, taas oo loola jeedo in qof walbaahi ogaado in Kulmiye uusan ka filan kareyn ‘INAY U EEXATO IYO IN AY KA EEXATO’ midna.
Dhammaan daliilahaasi kore oo lagu kabay kalsoonida aan xadka laheyn ee ay bulshada Soomaaliyeed u hayaan Raadiyaha Bulsho-Kulmiye waxay na tusayaan in 2 sano kaddib hadafkii loo aasaasay idaacadan in qeyb ahaan lagaaray, isla markaasna aasaasayaashu ay maanta farxad la huwan yihiin guusha ay ka keeneen hadafkoodii ahaa toosinta iyo isu keenidda ummadda.
Haddii aan soo gunaanado hadalkeyga, waxaan ugu horeyn HAMBALYO leeyahay Raadiyaha Bulsho-Kulmiye, gaar ahaan maamulkiisa, tifatirayaashiisa, weriyeyaashiisa iyo inta ka hawlgasha ee suurto gelisay sumcadda iyo karaamadda aan maanta ugu damaashaadeyno labo sano-guurada KULMIYE NEWS NEYWORK.
Gebagabadiina waxaan leeyahay, hadafkan lama xaqiijin kareen haddii aysan Bahda Kumliye ku adkeysan runta iyo isu keenidda bulshada, taas oo dhashay oraahda aan qormadeyda aan u hibeeyey Raadiyo Kulmiye ku daahfuray ee ah “RUNTA IYO HUFNAANTU KULMIYE WAA U SHARAF, BULSHADUNA WAA U HIILLO”.
Waxaan bahda saxaafadda ee aniga qormadan sameynaya ka mid ahay u soo jeedin lahaa in aan wada qaadno dhabaha ay qaaday warbaahinta Kulmiye, si aan u noqono warbaahin turxaan ka dhan, tilmaamaheeduna bulshada toosin karayaan.
Wixii talo iyo dhaliil ah ku soo hagaaji Abukar.albadri@gmail.com


















Mogadishu Time







