Sierra Leone oo sheegtay inay tababaro siinayso Booliska Somaliya
Freetown--KNN-- Wargeys la yiraahdo Awareness oo ka soo baxa wadanka Sierra Leone ayaa lagu qoray in m/weyne ku
Wargeys la yiraahdo Awareness oo ka soo baxa wadanka Sierra Leone ayaa lagu qoray in m/weyne ku xigeenka Sierra Leone Alhaji Samuel Sam uu balanqaaday inay dowladiisa tababaro siineyso ciidamada Boliska Soomaaliya si kor loogu qaado tayada Askarta Amaanka Soomaaliya .
Madaxweyne ku xigeenka Sierra Leone waxa uu tilmaamay in arinkan ay isla garteen kadib markii ay dalakaas ay socdaal ku tageen mas’uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya iyo saraakiisha howlgalka AMISOM uuna horkacayay taliyaha Boliska Soomaaliya Shariif Shikhuna Maye .
“Ciidamadeena Boliska ah ee Soomaaliya jooga waxa ay ka shaqeynayaan ilaalinta nabada iyo xasiloonida sababtoo ah Soomaaliya waa wadan aan walaalop nahay oo sanado badana colaad ku jiray “ sidaas ayuu yiri Alhaji Samuel Sam
Dhinacakale taliye ku xigenka Boliska AMISOM Benson Oyo-Nyeko oo qeyb ka ahaa wafdiga tagay Sierra Leone ayaa tilmaamay Boliska wadamada Africa oo Sierra Leone kamid tahay lagu amaani karo sida ay gacan uga geysten xasiloonida ka jirta haatan wadanka Soomaaliya.
Dowladda Sierra Leone waxa ay ka tirsan tahay dalalka ciidamada Bliska AMISOM u soo diray Soomaaliya si ay nabada u xakameeyaan.


















Mogadishu Time








