Wafdi hor dhac u ah ra'iisal wasaare Saacid oo gaaray Cadaado


CADAADO--KNN--Wararka aan ka helayno Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa sheegayaan ina halkaasi ay


 

           

Wararka aan ka helayno Degmada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa waxaa sheegayaan ina halkaasi ay ka socota qaban qaabo ballaaran oo lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaaraha xukuudda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

 

Sida ay sheegayaan joobgooyaal ku sugan halkaasi waxa iminka ka socota qaban qaabo ballaaran oo lagu soo dhawanayna ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo waftigiisa.

 

Waxaa haatan sida la tilaamayo gaaray halkaasi taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliya Jeneraal C/Qaadir Sheekh Cali Diini iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka Galgaduud Axmed Yuusuf Ciyoow iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan  Dawlada soomaaliya .

 

Waxaan magaalada dhexdeeda lagu arkayaa ciidamada  AMISOM gaar ahaan kuwa Dawlada Jabuuti iyo kuwa Dawlada federaalka Soomaliya iyo sidoo kale kuwa maamulka Xibin iyo xeeb.

 

 

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugan Gobalka Galgaduud isaga oo socdaalo kumaraya deegaan kamid ah Galgaduud sida Dhuusamareen,Guriceel,iyo caabudwaaq oo uu xalay ku hoyday sida la sheegay .

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)