Ahlu suna oo si rasmi u saxiixday inay ku biirtay Dowlada Soomaaliya


CAABUDWAAQ--KNN--Dowlada federaalka soomaaliya iyo culumaaudiinka Ahlusuna ee gobolada dhexe dalkeena soomaaliya ayaa


 

 

 

 

Dowlada federaalka soomaaliya  iyo culumaa’udiinka Ahlusuna ee gobolada dhexe dalkeena soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis ay ciidamada Ahlusuna uga mid noqonayaan ciidamada qalabka sida ee dowlada.

 

 

 

 

Kulamo  saacado  dheer qaatay oo shalay ila axalay degmada Cabuudwaaq ay ku yeesheen wafdiga uu hogaaminayo raysal wasaare Saacid ee booqashada ku maraya gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiinta maamulka culumaadiinka Ahlusuna Waljamaaca ee gobolada dhexe ayaa lagu gaaray heshiis ka dhan ah  in ciidamada Ahlusuna waljamaaca ay si buuxda ugu biiraan ciidamada qalabka sida ee soomaaliya.

 

 

 

 

Culumaa’udiinka Ahlusuna  ayaa kulanka waxaa uga qeybgalay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa gudoomiyaha cusub ee golaha Fulinta Cabdi Cali Fiidow, gudoomiyaha talada, iyo xubno kale oo ka mid ahaa maamulka Ahlusuna ee gobolada Dhexe, kuwaas oo muujiyay sida ay ula dhacsanyihiin heshiiska ay ciidamadooda ugu biirinayaan ciidamada qalabka sida ee Dawlada federaalka soomaaliya.

 

 

Dhanaca  kale Wasiirka Arimha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah xubnaha wafdiga raysal wasaaraha ayaa sheegay in wadahadaladani ahaayeen kuwo soo socday in muddo ah, balse sida uu sheegay xalay degmada Cabuudwaaq lagu kala saxiixday heshiis kama dambeeys ah.

 

 

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Ahlu suna Waljamaaca  ee gobolada dhexe ee soomaaliya ay shaaciyeen inay Dawlada federaalka aysan ciidamadoodu la midoobayn balse Dawlada ay u aqoonsan yihiin inay tahay Dawlada dalka ka jirta.

 

Habada heshiiskan ayaa loo arkaa in uu yahay mid horseedi kara in dowladu ku sii baahdo dhamaan gobolada dalka ee gacanteeda ka maqan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)