Taariikhda Hogaamiyihii Dalka Venezuela Hugo Chavez
MUQDISHO--KNN--Hogaamiyahan geeriyooday waxaana lagu magacaaba Hugo Rafael Chávez Frías waxaana uu dhashay July
Hogaamiyahan geeriyooday waxaana lagu magacaaba Hugo Rafael Chávez Frías waxaana uu dhashay July 28, 1954, waxaana uu ku dhashay Magaalada loo yaqaano SABANETA ee gobolka Barinas waxaan sida la sheegay uu ka dhacay qays ku nool dabqada dhexe ,waxaana dhalay Macalin .
Hugo Chavez waxaa uu xilkan hayay February 2, 1999 ilaa March 5, 2013,oo ah maalinta uu geriyooday da’adiisu waxay ahayd 58 jir ah, waxaana uu talada dalka uu hayay dakaasi uu hayay 14 sano.
Taariikhda Chavez oo kooban
Chavez wuxuu 1954 ku dhashay magaalada Sabaneta, ee gobolka Barinas. Waxaa dhalay nin macallin iskuul ahaa.
1975 : Wuxuu ka qalin jabiyay akadeemiyada milateriga ee Venezuela
1977: Wuxuu ka mid noqday dhaqdhaqaaqyadii kacaanka ee ciidanka ka dhex jiray
1981: Wuxuu ku noqday akadeemiyadii uu ka qalin jebiyay isagoo halkaas macallin ka noqday
1992: Wuxuu hoggaaminayay isku day fashilmay oo lagu afgembin rabay madaxweyne Carlos Andres Perez, waxaana la xiray labo sano
1994: Wuxuu dib u sameeyay xisbigiisa Movement of the Fifth Republic
1999: Wuxuu noqday madaxweynaha dalka kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii 1998
2002: Waxaa dhacay afgembi dhicisoobay oo lagu ridi rabay. Wuxuu ku soo noqday talada labo maalmood kaddib
2011: Wuxuu shaaciyay in laga daweynayo cudurka kansarka
2012 (Oktoobar): Mar kale ayaa loo doortay inuu lix sano kale madaxweyne noqdo
2012 (Diseembar): Waxaa lagu sameeyay qalliin afaraad oo cudurka kansarka ah
2013 (Febraayo): Wuxuu ku soo noqday Venezuela si uu dawadiisa u sii qaato
2013 (Maarso): Dowladda Venezuela waxay ku dhawaaqday geeridiisa.
Madaxda ka tacsiyadeysay Geerida Chaves
Raul Castro, Cuba's president
Dilma Rousseff, Brazil's president
Rafael Correa, Ecuador's president
Juan Manuel Santos, Colombia's president
Jose Mujica, Uruguay's president
Jimmy Carter, the former US president
Stephen Harper, Canadian prime minister
Hogaamiyahaan geeriyooday ayaa lagu wadaa I Maalinta Jimcaha lagu aaso magaalada uu ku dhashay ee SABANETA
W/Q/ Wariye Xussen-Baari KNN Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








