Soomaaliya oo mudo sanad ah cuno qabateynta hubka laga qaaday


NEWYORK--KNN--Kulan ay maanta yeesheen dowladaha 15,ka ah ee golaha amaanka QM ayay isku raaceen in mudo hal


 

 

 

 

Kulan ay maanta yeesheen dowladaha 15,ka ah ee golaha amaanka QM ayay isku raaceen in mudo hal sano ah dalka Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta dhanka hubka ah ee saarneed mudo 20 sano ah ka badan

 

Wadamada golaha amaanka QM ayaa ogolaaday inay dowladdu soo iibsan karto hubka fud fudud taasi badalkeedana laga mamanuucay inay adeegsato gantaalada iyo diyaaradaha iyo Anti- taangiga .

 

 

Dowlaha France iyo Britain oo horay ugasoo horjeeday in laga qaado dalkan Soomaaliya xayiraada dhanka hubka ah ayaa fikirkaas ka tanaasulay balse Safiirka Uk ee QM Mark Lyall Grant ayaa shaaciyay in QM ay sigaar ah ula socon doonto sida hubkaas loo adeegsado iyo cida uu gacanta u galayo.

 

 

Inkastoo wali uu socdo shirka golaha amaanka QM ay ka yeelenayaan arimaha Soomaaliya ayaa arinta ilaa ahada laga wqarqabo in la ansixiyay waxa ay tahay in mudo hal sano ah Soomaaliya laga qaaday xayiraada dhanka hubka ah ee lgusoo rogay sanadii 1992,kii iyadoona ajandayaal kale oo ay kamid tahay waqtiga howlgalka AMISOM in la kordhiyo ay golaha hor yaalaan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)