Cabdi Qaybdiid iyo saraakiil Ajaaniba oo ku Kulmay xeebta Hobyo


HOBYO--KNN--Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid aya waxa uu maanta kulan la qaatay


 

 

 

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid aya waxa uu maanta kulan la qaatay saraakiisha  homaaniysa markaabta la dagalanka burcad badeda waxaana uu kulankaasi ka dhacay markab dagaal oo ku soo xirtay xeebta magaalada Hobyo

 

 

Markabkaa  ayaa sida la sheegay waxaa ka dul babanayay calanka Taliyaaniga iyadoona la sheegay in wadankaasi lagaa lahaa wazaabna kulan saacado badan qaatayn uu dhax maray saraakiisha saarnaa markabkaa  iyo wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Galmudug Qeybdiid.

 

 

Kulankaasi marka uu soo idlaaday ayaa idaacada kulmiye waxa ay la xariirtay wasiirka warfaafinta Galmudug Axmed xasan Baasto waxaana uu wasiirka sheegay in kulankasi uu mudo dheer qaatay wixi ka soo baxayna ay berito faahfafhin ka bixin doonaan.

 

 

 

Sidoo kale warar oo laga helaayo ayaa waxa y sheegayaan in laga wada hadlay arimo ku saabsan takada Hobyo iyo sidoo kale sidii la isaga  kaaashan lahaa ammaanka xeebaha ay maamusho Galmudug iyo ka wada shaqeynta la dagaalanka kooxaha Burcad badeeda.

 

 

Waxaana uu horay kulan midkaan la mid ah uu u dhaxmaray saraakiisha Naato eek u sugan Biyaha somaliya iyo Galmudug iyagoona sida la sheegay  ku hishiiyay  in la canshuuro maraakiibta sida sharci darada ah uga kaluumeysta biyaha soomaliya laga canshuuro lacag dhan 100/10  hantida saaran.

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)