Ururada Falastiiniyiinta oo isku raacay inay sameystaan dawlad loo dhan yahay


Gaza-KNN-Ururada Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Fatax ayaa isku raacay inay sameystaan dawlad midaw ah oo dalkaasi ka dhalata kadib wada hadal toos ah oo ay wada yeesheen.


Kulan ay magaalada Qahira ee xarunta wadanka Masar ku yeesheen ergo ka kala socota ururada Xamas iyo Fatax ayay waxay isku raaceen inay sameystaan dawlad midnimo qaran oo ay ku jiraan xubhana ururka isla markaana mustaqbalka dhaw la qaban qaabiyo doorashooyin madaxtinimo oo Falastiin ka dhaca.

 

 

Wakaaladda Wararka ee bariga dhexe ee MENA ayaa ku waramaysa in wakiilada labada dhinac ay wada saxiixi doonaan hishiis guud  oo dawlad lagu dhisayo.

 

 

Labada urur ayaa is qilaafay bishii January ee sanadkii 2006 xilligaasoo doorashooyinkii Falastiin ka dhacay ay ku guuleysay ururka Xamaz oo gacanta ku haya magaalada Gaza.

 

info@kulmiyenews.co


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)