Qarax qasaaro geystay oo ka dhacay koofurta Morocco


Rabat-KNN-Ugu yaraan 14 ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 20 kalena waa ay ku dhaawacantay qarax ka dhacay goob Shaaha laga c abo oo ku taala magaaladda Marakesh ee koofurta wadanka Morocco.


Wararku waxay sheegayaan in qaraxaan oo ahaa mid ahaa mid weyn uu bur buriyay gobo ganacsi oo magaaladaasi ku yaala waxaana dadka ku waxyeeloobay ku jira dad ajanabi ah oo u dhashay wadamada reer galbeedka.

 

Shaqaalaha gurmadka deg dega ee dalkaasi Morocco ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay waxayna sheegeen in dadka geeriyooday ay ku jiraan 11 ruux oo reer galbeed ah.

 

Wasaradda arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegtay in baaritaano la wado lama oga cidda ka dambeysa weerarkaasi waxaana magaladaani ka mid tahay magaalooyinka Khadiimiga ah ee dalkaasi Morocco ku yaala.

 

Dhinaca kale dawlada Faransiiska ayaa goor dhaweyd sheegtay inay ku jireen muwaadiniin Faransiis ah dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.

 

info@kulmiyenews.com


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)