Xurgufta siyaasadeed dowladdaha Ethiopia iyo Eretria ee ku qotonta Soomaaliya, "Faalo".


Muqdisho--KNN-- Xurgufta siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladaha Ethiopia iyo Eretria ee ku qotonta arimaha soomaaliya ayaa waayadan dambe si weyn laga dhadhansan karayay qalabka warbaahinta oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen............


 

Xurgufta siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladaha Ethiopia iyo Eretria ee ku qotonta arimaha soomaaliya ayaa waayadan dambe si weyn laga dhadhansan karayay qalabka warbaahinta oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen.

 

 

Television-ka ESTV oo ku hadla luuqada soomaaliga oo dhawaan hawada ku soo biiray, waa mid ay barnaamijyadiisu ku wajahan yihiin dadka ku hadla afka soomaaliga, waxaa maalgelisa dowladda etiopia, waxaa barnaamijyadiisa iyo wararkiisaba ka dhex muuqda buun-buuninta wax qabadka dowladaasi, ee ku aadan dhulka ismaamulka soomaalida Ethiopia, waxaa kaloo dowladda Ethiopia ay qeybta arabsite-ka ku soo biirisay laba television oo kale oo wata magaca ETV isla markaana tirada television-nadaasi ka dhigay sadex television, waa kuwo ay barnaamijyadoodu kala gedisan yihiin.

 

 

Mid ka mid ah sadexdaasi televesion waxa uu sii daayaa warar, barnaamijyo iyo xitaa mararka qaar heeso ku baxa afka soomaaliga, waxaana wararka iyo barnaamijyadaba lagu soo qaataa 80% dhacdooyinka ku saabsan wax qabadka dowladda Ethiopia, halka 20% boqolkiiba looga sheekeeyo arimaha maamul goboleedka magaalada jigjiga ee hoostaga Ethiopia.

 

Inta badan ereyada ay adeegsadaan warbaahiyayaasha ka howlgala xaruntaasina waxaa ka mid ah kooxaha colaad u jooga oo ay garbiso dowladda nabad-diidka gobolka, taasoo ay u badan tahay in loola jeedo jabhada ONLF ee dagaalada kula jirta askarta Ethiopia, iyo dowladda Eretria oo xurgufta ba’ani ay kala dhaxeyso Ethiopia.

 

Dhinaca kale dowlada Eretria ayaa iyana dhawaan bilowday baahinta barnaamijyo iyo warar lagu sii daayo afka soomaaliga oo saacado kooban todobaadkiiba laga daadihiyo isla television-ka Eretrian TV. Oo ay xaruntiisu tahay magaalada asmara.

 

Barnaamijyada iyo wararka lagu soo qaato qeybtaasi waxay ka kooban yihiin dhaleeceyn iyo muuqaallo fool-xumo muujinaya oo ku saabsan talaabooyinka xukuumada adiss ababa, ee ku aadan deegaanada soomaaliyeed ee ogaadeeniya.

 

Ereyada inta badan loo adeegsadana waxaa ka mid ah, gumeysiga wayaamaha, askarta arxan laawayaasha malezanawi, iyo iyo gumeysi kalkaalka maamulka jigjiga.

 

Marka arrinta halkaasi laga eego waxaa iska cad in hardanka warbaahineed ee labada dhinac uu salka ku hayo kasbashada dad aad u badan oo u dhashay jinsiga soomaal, kuna hadla afka soomaaliga halkey doonaanba haku noolaadaane, si dowladba ay tan kale uga awood badiso ka hirgelinta siyaasadeeda ee dhulka jamhuuriyadda soomaaliya, sabatoo ah taasi waxaa cadeynaya haddii aanu hardankooda warbaahineed wax lug ah ku laheyn arrimaha soomaaliya labaduba ka maarmi lahaayeen adeegsiga luuqadda soomaaliga ee qalabkooda warbaahinta oo qarashaad badana uu uga baxo.

 

Waayo haddii isjiid-jiidka siyaasadeed ee loo adeegsanayo qalabka warbaahinta uu yahay kaliya mid ku kooban arimaha siyaasadeed ee  gaarka ee labada dowladood, waxaa la heli karayey luqad labada dhinac ka wada dhaxeysa oo dicaayadaha siyaasadda leysugu gudbin karayay, waa luuqadda Tigrigna oo fahmi karayaan in kabadan inta ku hadasha afka soomaaliga eek u noo l gudaha dalka  Ethiopia, iyo in ku dhow sagaal meelood meel dadka reer Eretria oo tira ahaan lagu qiyaaso in ay yihiin inkabadan afar milyan iyo afarboqol oo kun oo ruux.

 

Waa sax in labada dowladood ay u dhaxeyso xurguf siyaasadeed iyo xiisad colaadeed oo gaamurtay isla markaana ka horeysay arrinta soomaaliya taasoo ka dhalatay gooni siu taagii Eretria oo sanado ka hor go’day Ethiopia inteeda kale, iyo muranka ba’an ee labada dhinac oo la xiriira xuduud siyaasadeedka aan weli xal dhab ah laga gaarin.

 

Inkastoo taasi jirto haddana marnaba kama marna ku baratanka arrimaha soomaaliya oo ay qeyb ka tahay hurinta colaadaha qaatay wax kabadan 20-sanadood.

 

1977-kii oo aheyd markii uu dagaalku dhexmaray labada dowladood ee soomaaliya iyo Ethiopia, wixii markaasi ka dambeeyeyna Ethiopia waxaa lagu eedeynayay in ay dalkeedii ku marti gelisay kuna soo hubeysay jabhadihii riday xukuumaddii milatery oo uu gabalku u dhacay sanadku markuu ahaa 1990-kii, iyo in ay hubka isu dhiib jirtay qab-qablayaashii dagaalka ee soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa la sheegaa in Ethiopia ay gacan labaad u aheyd wadamo kuwa reer galbeedka ka tirsan oo arrimaha soomaaliya faragelinta ku hayay.

 

Dhowr jeer ciidamo soomaali ah oo katirsan kuwa DKMG soomaaliya ayaa lagu soo tababaray gudaha Ethiopia, 20-kii sano ee lasoo dhaafayna magaalada adis-ababa waxay aheyd halka ay u xal doontaan madaxa somaalida markii ay isqabtaan

 

2006-dii markii la jebiyey xoogagii maxkamadihii Islaamiga ee awooda ku lahaa koonfurta soomaaliya, waxay hogaamiyayaashii maxkamadaha islaamiga oo ay ku jireen sh. Shariif sheikh axmed oo ah madax weynaha DKMG soomaliya iyo sh. Xasan daahir aweys oo ah masuul ka tirsan al-shaab, iyo xubno ka goostay dowladii KMG ee xiligaasi oo uu ugu horeyey shariif xasan sheikh aadan oo hadda ah gudoomiyaha baarlamaanka KMG soomaaliya ayaa magan galyo ka helay dowladda Eretria waxaanay saldhig ka dhigteen caasimadda asmara

 

Waxaa la sheegaa in wadamada qaar ay taageero milatery ay u fidin jireen kooxihii muqaawamada oo ka koobnaa Shabaab, maxkamdihii islaamiga, xisbul islamkii bur-buray iyo raaskambooni ay taageeradooda usii marin jireen xukuumadda asmara oo gacan labaad u aheyd.

 

Hadda magaalada asmara oo ah caasimadda dalka Eretria waxaa welli ay fariisin u tahay xubnihii ka haray isbaheysigii dib u xoreynta soomaaliya oo goor hore la midoobay DKMG soomaaliya.

 

Inkastoo kooxda weli ku harsan asmara aysan door muuqda ku laheyn siyaasadda soomaaliya haddana waxaan la dafiri Karin suurtagal-nimada in mustaqbalka dhow ay sii xoogeystaan tilaabooyinkooda siyaasadeed ee dalka, marka laga eego hamiga weyn ee ay u hayaan in ay qeyb ka noqdaan siyaasadda dalka.

 

Dhawaan dowladda Eretria waxaa lagu eedeeyey in ay diyaarad hub ka buuxa u dirtay al-shabab oo bishii hore laga dejiyay garoonka magalaada beydhaba taasoo keentay in ay urur goboleedka IGAD oo ay garwadeenka ka tahay Ethiopia ka dalbadaan golaha amaanka ee qaramada midoobay in la xoojiyo cuna-qabateyna Eretria la saaray iyadoo si habsami lehna loogu guuleystay talaabadaasi.

 

Inta xaalada murugsan ee dalka soomaaliya ay qeybta ugu badan kuleeyihiin wadamada dereska wey adkaaneysaa in la qiyaaso sida lagu heli karo xal-siyaasadeed dhab ah oo lagu diirsado, waxaa taasi ka sii adag in tilmaan sax ah laga bixiyo goorta la helayo dowladnimo buuxda, midnimo shanta soomaali ka kooban, nabad gelyo sugan, iyo madax hufan oo nidaam dimuqraadiyadeed u heelan, oo dadka iyo dalka cadaalad ku hogaamisa

 

 

W/D: Aweys Xaaji Nuur (Aweys Aar).

 

info@kulmiyenews.com

 

 


Community Comments
walalayal waxa nishegaya inay eratrea tahay mid cadoo ku eh ethiopia ,ethiopia iyo somalia waa labo wadan oo jar ah ,walalayal waa og tahin labada wadan xog badan ee ertr,iyo ,ethio ,ertr waxay rabta inay isku dirto ethio, iyo somalia, tasina waa wax eratr,mohin o ah , ethiopia waxay xomayd wagi mengistu sanadihi 1976 1990
Posted by xaji mohamed on 9/2/2012 2:39:58 PM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)