Astaamaha Qilaafaad ee horey u Majaxaabiyay Baarlamaanka oo Markale kasoo Dhexmuuqda.
Muqdisho--KNN-- "Faalo" Hadii dib loo milicsado sooyaalka ku qoran taariikhda kooban ee baarlamaanka KMG soomaaliya, waxaa ka buuxa mooshino tiro badan oo xilka looga qaaday ..................
Hadii dib loo milicsado sooyaalka ku qoran taariikhda kooban ee baarlamaanka KMG soomaaliya, waxaa ka buuxa mooshino tiro badan oo xilka looga qaaday madax ka tirsaneyd DKMG, isqabqabsi, iyo kala aragti duwanaansho xoogan oo aan ku fadhin micno culus oo danta bulshada ka tarjumaya.
Beryihii lasoo dhaafay waxaa sii xoogeysanayay abaabulka, mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka KMG soomaaliya shariif xasan sheikh aadaan, oo lagu eedeynayo in uu ku tuntay qodobo ka mid ah axdiga qaranka KMG ah, islamarkaana uu siduu doono ugu takri falayo awoodiisa maamul.
Dhawaan Muqdisho waxaa kulamo dhowr ahaa oo is xig-xigay ku yeeshay xildhibaano tiro badan oo ka mid ah kuwa si weyn uga soo horjeeda gudoonka baarlamaanka KMG, kuwaasoo ku eedeynaya in uu si iskiis ah uga qeyb galay shirkii wada tashiga ee Muqdisho ka dhacay ee roadmap-ka loogu magac daray isaga oo aan baarlamaanka intiisa kalena la tashan, arrintaasoo sharci daro iyo xad-gudubba ku ah axdiga qaranka KMG soomaaliya sida ay xildhibaanadu ka shaaciyeen qalabka warbaahinta, sidaasi daraadeedna waxay shegeen in loo baahan yahay laga keeno mooshin ka dhan ah shariif xasan.
Gudoomiyaha baarlamaanka oo aan arrintaasi si cad uga jawaabin baa dalka ka dhoofay 11-kii bishan, maalintii xigtayna waxaa isla magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan DKMG soomaaliya waxayna kulanka intii uu socday ku bogaadiyeen imaanshiyiihii xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Ban Ki Moon uu yimid caasimadda Muqdisho sidoo kalena intii hadashay waxay halkaasi ka jeediyeen hadalo ay ku taageerayeen gudoomiyaha baarlamaanka isla markaana ay ka dhex muuqdeen ereyo loogu jawaabayay xildhibaanada u ololeynaya in mooshin laga keeno gudoonka baarlamaanka.
Xildhibaanadaasu waxay shariif xasan u taageereen si laab furan ah ayada oo aaney cadeyn ujeedka dhabta ah ee ka dambeyn karta in shaqsi la taageero.
In mooshin laga keeno masuul ka tirsan DKMG soomaaliya, ma ahan mid ku cusub dhegaha bulshada soomaaliyeed, waxayna inta badan mooshinadu kusoo beegmaan, marka uu jiro khilaaf u dhaxeya madaxda sare qaarkood oo aan weli soo shaac bixin, sidoo kale marka ay mushaaraadka xildhibaanada soo daahaan iyo marka wax uun ifafaalo nabadeed ama siyaasad hor u socod ah la dareemo.
16-kii may, 2010 xildhibaano kor u dhaafayay 319 xildhibaan ayaa shaaca ka qaaday in ay xilkii ka qaadeen gudoomiyihii baarlamaanka KMG ee xiligaasi sheikh aadam maxamed nuur (sh. Aadan madoobe), ka dib markii ay ku doodeen in uu xilkii ka dhamaaday.
28-kii may, 2010-na shariif xasan sheikh aadan ayay markale xildhibaanadu u codeeyeen in uu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka KMG soomaaliya ka dib wareegii ugu horeeyey ee cod bixinta oo uu helay 217 cod isla markaana uu tanaasulay xildhibaan cabdi xaashi c/laahi oo isaga la tartamayay isla markaana wareegii koowaadba helay 143 cod.
Qaar ka mid ah Xildhibaanadii maalintaasi shariif xasan u codeeyey, aadan madoobana xilka ka tuuray ayaa maantana u ololeynaya in mooshin laga keeno shariif xasankii ay shalay doorteen.
09-kii june, 2011 heshiiskii laga soo qaaday magaalada kampala ee dalka Uganda oo ay xildhibaanaduna ansixiyeen 11-kii july,2011 tobanka qodob ee uu heshiiskaasi ka kooban yahay ayaa waxaa ku xusan qodob dhigaya in la abuuro jawi wada-shaqeyn iyo iskaashi oo baarlamaanka iyo xukuumadda ah, si taasi loo xaqiijiyana wa in la joojiyaa dagaalka warbaahinta, waana in mudo sanad ah aan mooshin laga keeni Karin madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaaka iyo ku xigeenadiisa.
Sida iska cad xildhibaanadu waxay ku qasban yihiin in ay duuduub u liqaan wax kasta oo sharci ama sharci daro ah oo ay ku arkaan madaxda dowladda tan iyo inta lagu jiro mudada sanadka ah, maadaama ayagoo ogaalkooda qaba ay ansixiyeen wixii ku qornaa heshiiskii kampala.
Dowladda KMG soomaaliya waxaa dagaalo culus kula jira xarakada al-shabaab, sida ay qabaan dadka dhiraan-dhiriya siyaasadda soomaaliya markasta oo uu soo ifbaxo muran siyaasadeed oo baarlamaanka ama dowladda inteeda kale ahna waxaa sii xoogeysanaya awooda macnawiga ah ee kooxdaasi, dhinaca kale waxaa hoos u sii dhacaysa rajadii iyo kalsoonidii ay bulshada soomaaliyeed ku qabeen xildhibaanada iyo madaxda kale ee ka tiran DKMG soomaaliya taasoo ah in ay dhalin karaan isbedel siyaasadeed oo lagu gaaro dowladnimo sal adag leh.
Aweys Xaaji Nuur “Aweys Aar”.


















Mogadishu Time








