Dagaalka dhanka warbaahinta ee Kenya iyo Shabaab oo heerkii ugu sareeyay gaaray.
Muqdisho--KNN-- Dagaalka dhanka warbaahinta ee Kenya iyo Shabaab ayaa heerkii ugu sareeyay gaaray, Faalo.........
Dagaalka hubaysan ee u dhaxeeya Kenya iyo Al-Shabaab iyadoo uu mareyo heerkii ugu sareeyey ee uu dhiig badan ku daatay, ayaa hadana waxaa dagaalka la isku adeegsanayo kusoo biiray nooc cusub oo dagaalka kamid ah kaasi oo ah mid markii ugu horeysay, oo u dagaalanto Xarakada AL-Shabab.
Dagaalkan ayaa ah Mid cusub oo aan aheyn mid hub ama qori loo adeegsanayo hase yeeshee waxaa dagaalku haatan uu u soo wareegay dhanka Internet-ka iyadoo dawlada Kenya mudooyinkii ugu dambeeyey wadey olole dhanka Internet-ka oo ay dacaayado ugu sameynaysay falalka Al-Shabaab ay ku kacaan isla markaana warbixino kaga dhagaysanaysay hawlgalka ciidamadeedu ka wadaan gudaha dalkan Soomaaliya .
Dagaalka ugu weyn ayaa waxaa wada afhayeenka ciidamada Kenya Maj. Emmanuel Chirchir, kaasi oo aalada Internet-ka gaar ahaan adeega xiriirka dadweynaha ee Twitter-ka ka sameeyey bar si gaar ah loogu shaaciyo wararka iyo warbixinada ugu dambeeyey ee hawlgalka ciidan ee Kenya .
http://twitter.com/MajorEChirchir ayaa ah Twitter-ka ee uu sameeyey Maj. Emmanuel Chirchir , waxaa ku xiran oo wararka ka quuta 12,000 kun oo kuwaasi oo daalacanaya wararka uu soo galiyo afhayeenka, waxaana twitter-kaasi geesaha ka saaran astaanka qaranka Kenya iyo calanka wadanka Kenya,
waxaana dadbadan ay cadeeyeen in uu yahay page colaad ku saleysan waxaa ku xardhan sawiro askar hubaysan taasi oo muujinaysa in xaalad dagaal uu ku aadan yahay page-kaasi.
Xarakada Shabaab ayaa iyagana geeskooda ka galey Twitter-ka kaasi oo u muuqanaya mid ay ku doonayaan inay kor ugu qaadaaan ololaha dhanka propaganda-da maadama Kenya dhankeeda ka wado mid la mid ah .
Shabaab Twitter-keeda ayaa ah http://twitter.com/#!/HSMPress waxaa geeska midig saaran calanka Shabaabka iyadoo la soo galiyey fariimo ku aadan gulufka dagaal ee Soomaaliya ay ku soo qaadey Kenya.
Sidoo kale Al-Shabab waxay ku soo bandhigeen qaybta sawirada ee Twitter-kooda sawiro askar fara badan oo ka mid ahaa AMISOM kuwaa oo la aaminsan yahay in ay yihiin kuwii ku dhintey dagaalkii Dayniile, waxaana ka muuqda sawirada teesarayaasha ama waraaqaha aqoonsiga ee ciidan iyo waliba shahaadooyin dhanka tababarada ciidanka oo ay qaarkood siiyeen Talisyada ciidamada Mareykanka.
arintan ayaa dad badani oo ku xeel dheer arimaha diblumaasiyada waxay ku tilmaameen mid Al-Shabab ay fariin ugu dirayso shacabka wadamada Kenya, Ugandha iyo Burundi oo ay ciidamadoodu ku lug leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Al-Shabaab ayaa waxaa ay sameysteen Twitter-ka todobaadkii hore waxaa ilaa iyo hada iska diiwan galiyey oo wararka ka qaata oo ku xiran dad gaaraya 4,000 kun, waxaana had iyo goor lagu soo daabacayaa fariimo English ah oo joogto ah.
Waxaana Taa ay cadeyn u tahay in aalada Twitterka ay dagaalyahanada Al-Shabab u qaabilsan yihiin qolo ku hadalka iyo qoraal luqada Englisha si aad ah ugu dheereeya
Waxaana dad aad u farabadan oo soomaali ah oo isugu jira Dhalinyaro dad da’ah saxafiyiin iyo arday ay bilaabeyn in ay joojiyaan Fikradihii ay kusoo bandhigi jireyn aaladaasi Maadaama ay noqotay aalad Martigalisay hanjabaado ay isku adeegsanayaan Al-Shabab iyo Kenya .
Wakaaladaha warrarka ayaa iyaga ku mashquulsan hadba wararka ay soo galiyaan labadan qole ee ku loolamaya aaladaasi.
Maalinimadii Shalay war kasoo baxay Gudoomiyaha Gudiga qaran ee isku duubnaanta iyo midaynta dowlada Kenya Muzalende kibunja ayaa waxa uu sheegay in ay ka digayaan daalacashada aaladaha Twetterka iyo facebooga oo ah isna aalada Xamaasad badan oo ay dadbadan Soomaali ah ay aad u jecel yihiin.
Arintan ku aadan dagaalka u dhaxeeya Ciidamada dowladda Kenya iyo kuwa Al-Shabab ee ay lasoo aadeyn aalada Twetterka ayaa waxa ay dad badan Sheegayn in ay Caqabad ku tahay hanjabaadaha ay hawada isumarinayaan maadaama ay Markooda hore galin jirayn Twetterka fikradahooda haatana ay cabsi balaaran ka qabaan in ay ka hadlaan iyagoona ku tilmaamay arintan mid kala dhantaalaysa Barashada dadka aduunka ku nool ee isku arki jiray aaladan
W/D : Cabdinaasir Maxamuud Qaliif.
Naskayare10@hotmail.com


















Mogadishu Time








