Daad ku socda Xarakada Al Shabaab (Faallo)


Muqdisho--KNN--Xarakada Al Shabaab ayaa labadii sano ee u dambeysay waxaa ku dhacay isbdal kadib ay lumiyeen gacan ku haynta magaalooyin badan oo ay la wareegtay dowladda KMG Soomaaliya iyo dhinacyada taageeraya.


 

Soo shaacbixidii Al Shabaab iyo la wareegitaankoodii gobolo badan oo ku yaalla Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya bilowgii sanadkii 2009 kadib waxaa dhacay isbadal dhinaca Maamulida magaalooyin badan oo laga wareegay Xarakada Al Shabaab.

 

 

Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowladda oo isgarabsanaya ayaa la wareegay 5 mach  sanadkii 2011 degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo oo xuduud la leh Kenya halkaasi oo uu ka dhacay dagaal sababay geerida 10 ruux iyo dhaawaca in ka badan 15 kale  oo ahaa dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah.

 

Maalin kadib 7 mach 2011 Ciidamada dowladda oo ay la socdaan ciidamo  Ethiopian ah ayaa gacanta ku dhigay degmada Luuq oo ay isaga baxeen Xarakada Al Shabaab iyada oo uusan dhicin wax dagaal ah.

 

3 April sandkii 2011 ciidamada dowladda ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Dhooblay iyaga oo gacan ka helaya ciidamada Axmed Madoobe ee Raaskambooni kadib markii Al Shabaab looga itaal roonaaday dagaal ka dhacay magaaladaasi oo ay ku nafwaayeen ku dhawaad 40 ruux oo u badnaa dhinacyadii dagaalamay.

 

Al Shabaab ayaa isaga baxay Magaalo Madaxda gobolka Gedo ee Garbahaareey 28 April   2011 iyaga oo aan dagaalamin taasina waxa ay keentay in gacanta magaaladaasi ay kusoo biirto dowladda KMG.

 

6 August 2011  dowladda oo KMG oo maamulaysay qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho  oo aysan nabad galyo ku qabin ayaa la wareegtay goobihii Al Shabaab ay ka maamulayeen magaalada oo si iskooda ah ay uga baxeen , iyaga oo ku dhawaaqay xeelad dagaal.

 

Bishii September ee 2011 ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya  waxaa mar kale u suura gashay in dagaal ay kula wareegeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, iyadoo bartamahii bishii October ee isla sanadkaasi ay dalka soo galeen ciidamada Kenya oo aan ilaa hada dhaafin halkii ay horay u qabsatay dowladda marka laga raabo qabshada degmooyinka Badhaadhe iyo Afmadow oo ay gacan ka gaysteen 2 February iyo 31 May ee sanadkaani.

 

 

Ciidamada Ethiopia oo heshiis rasmi ah aan kusoo galin dalka oo ay la socdaan ciidamo Soomaali ah ayaa 31 December ee dhamaaadka sanadkii 2011 dagaal culus oo saacado qaatay ku qabsaday magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan oo xudun ah isku xirka gobolada Waqooyi iyo kuwa Koofureed ee Soomaaliya.

 

 

21 iyo 22- bishii Febwary 2012 Ciidamada Ethiopia oo gacansiinaya kuwa dowladda ayaa gacanta ku dhigay  degmooyinka Bardaale iyo Baydhabo ee gobolka Bay Halkaasi oo ay faarujiyeen Al Shabaab.

 

Todobaadyo kadib dhamaadkii bishii Febwary ciidamada Ethiopia ayaa hadana qabtay magaalada Madaxda gobolka Bakool ee Xudur oo dagaalo ka dhacay loogu awood sheegtay Al Shabaab

 

Todobaadkaani gudihiisa ayaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka heleya kuwa AMISOM oo Kenya ay qeyb ka tahay waxa ay la wareegeen degmooyinka Afgooye iyo Afmadow oo ka kala tirsan gobolada Sh/hoose iyo Jubada hoose.

Hadaba maxay tahay sababta Al Shabaab lagala wareegay qeybo badan oo Soomaaliya ay ka maamulayeen.

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Al Shabaab ay jabeen fakir ahaan iyo Milatari ahaanba oo ay noqdeen sida Neef la gowracay oo kale.

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada AL Shabaab ayaa cadeeyay in ciidamada dowladda iyo taageerayaashooda ay wataan Taangiyo hub casri ah, waxaana sidaasi awgeed uu sheegay in aysan saxneen in ay difaac galaan daruuftana ay keentay in uu isbadal ku dhaco Shabaab.

 

Inkastoo dowladda KMG Soomaaliya iyo xoogaga taageeraya ay la wareegeen magaalooyin Istaraatiiji ah hadana ma aha magaalooyinkaasi kuwa xasiloon oo waxaa ka dhaca dilal qorsheysan.

 

Awoodii Al Shabaab ay ku lahaayeen gobolada dhexe ilaa xuduuda Kenya ayaa u  muuqata mid daad kusii socda, iyadoo horay loo yiri waligeed aduuyada waqtigaa qof saacida qofna waayahaa xira.

 

W/D: Max'ed Cali Axmed Rooraaye radio Kulmiye Muqdisho


Community Comments
Haa. runti waxan ognahay hadan nahay bulshada ku dhaqan magalada mogadisho in idaacada kulmiye ay leedahay dowlada ethopia lkn ay ku hadasho luuqada somalia,nasib xumo dadkena in badan arintas ma faham sano insha allah waxan rajeynaya dhaman shaqalaha iyo mamulka radio kulmiye si gaar ah wax loga qaban dono,WABILLAHI TOWFIIQ
Posted by Mujahid yare on 8/4/2012 2:15:34 AM
mujahid yare adiga waad bedelan tahay idacada kulmiye waxa ay u shaqeysaa shacabka somaliyed .ithopia haday baydhabo iyo beledweyne kaa saartay dadka o dhan ithopia maad u maleysay waad qaldan tahay e is qabo waxaad ka adaktihin suxufiyinta madaxa banaan o kaliya kuwa dowlada u shaqeya maad aadaan hadaad run shegaydaan wasaq qashin xume mujahid yare keleb way ku dhamaatay bes
Posted by cumar ali nuur on 8/4/2012 2:52:28 AM
Marka hore salan mark xigta waxan la yabanahay ninkan isku shegaya mujaahidka sxb dhabta an kala hadlo idaacada kulmiye waa idacada la yaqan asal ahan mesha ayka timid lkn al.shacaas xagee buu ka yimid sidii habar camal ayaa waxa lasoo xirana dira iyo gambo xun asaa inta labo naag oo cano ley ah bumbo lagu tuuro maxa ka wadin marki la yirahdana leh falilaahil xamdu waxas diin mahane diinta ku so laabta
Posted by Qaran doon on 10/24/2012 10:51:54 PM
Qodobka koobaad
Posted by Cabdicade on 9/26/2012 5:13:36 AM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)