Ciidamada Syria oo magaalo duqeeyay


Damascus-KNN:Ciidamada dawlada Syria ayaa maanta madaafiic ka geystay magaalada Diraaca ee koofurta wadankaasi Syria.


Inta la xaqiijiyay 17 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa ku naf waayay duqeyntaasi ka dhacday  magaalada Diraaca waxaana la sheegay in dhismooyin ku bu bureen.

 

Sid ay sheegayaan dad deegaanka ah  duqeyntaan ayaa bilaabatay saacado kadib markii magaaladaasi ka dhaceen iska hor imaadyo u dhaxeeya ciidamada dawlada iyo kooxo hubeysan oo dawlada kasoo horjeeda.

 

Kooxaha mucaaradka ee dawlada dagaalka kula jira ayaa sheegay in meydadka badan ay daadsan yihiin wadooyinka magaaladaasi Diraaca.

 

Warar ay Q,M soo saartay ayaa waxaa lagu sheegay in tan iyo Jimcihii dalka Syria lagu dilay 44 ruux oo rayid ah kuwaasoo ay dileen ciidamada amaanka Syria.

 


Community Comments
Bad action
Posted by Abdullahi ahmed ibrahim on 6/9/2012 2:28:54 PM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)