Sanad kadib Heshiiskii Kampala ma waxa uu ahaa sheeko Qaran mise dano shaqsi (Faallo)
Muqdisho--KNN--Maanta waxa ay ku beegan tahay waqtigii la gaaray heshiiskii Kampala hadaba heshiiskaasi ma waxa uu ahaa dano Qaran ama mid shaqsi.
Mid ka mid ah Khilaafyadii ugu adkaa ee soo mara dowladihii KMG ah ee dalka loo soo dhisay ayaa xiligaani oo kale sanadkii hore soo maray Soomaaliya kaasi oo ruxay siyaasada dalka, Khilaafkaasina waxa uu u dhaxeeyay labada Shariif ee Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamanka, waxaana ku lug yeeshay Hay’adihii kale ee dowladda.
Khilaaflaasi waxa uu ka aloosmay waqti kordhin dheeri ah oo ay hesho dowladda maadaama xiligaasi ay ku fashilantay in waqtigii loo igmaday ay ku qabato howlihii loo xilsaaray laakiin khilaafkaasi ayaa yimid xili uu dalka lahaa Xukuumad waqti kooban jirtay wax qabad muuqdana la timid.
Waxa uu khilaafkaasi jiitamo hadba marxalad ka qaraar tii hore uu madaxa lasii galo waxa uu markii dambe isku badalay gorgortan iyo ka hadalka arimo awood qeybsi, iyadoo markii dambe labada Shariif looga yeeray magaalada kampala si loo kala xumiyo.
Ra’iisul wasaarihii xiligaasi Max’ed C/laahi farmaajo oo aad uga carooday arintaasi ayaa markii ay taariiqda ku beegnayad 7-da bisha June ee sanadkii tagay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu ku eedeeyay Shariif Xasan in uu ka dambeeyay xasaasiyadii jirtay.
Shir mudo 4 cisho ah ka socday magaalada Kampala ayaa ugu dambeyntii labada Shariif iyo xubnihii beesha Caalamka ee Shirkaasi ka qeyb galay waxa ay isku waafaqeen heshiis lagu sheegay in ka koobnaa 10 qodob oo kala ahaa.
1-in doorashada Madaxweynaha, Gudoomiyaha barlamanka iyo ku xigeenadiisaba dib loo dhigo mudo sanad ah.
2- in doorashooyinkaasi la qabto ka hor bisha Augusto 2012.
3-Ra’iisul wasaaraha waxa uu go’aansaday in uu isku casilo dalka gudihiisa mudo 30 cisho gudaheed.
4-Madaxweynaha 30 cisho ayuu kusoo magacaabi doonaa ra’iisul wasaaraha cusub barlamankana waxa ay ku meel marin doonaan Ra’iisul wasaaraha mudo 14 cisho.
5- in lasoo dhiso wasiiro ku salaysan nidaamka 4.5 oo laga wada tashado wasiiradana ay noqdaan dad aqoon leh.
6-barlamanka iyo Xukuumadda cusub waa in ay iska kaashadaan ka gudbinta dalka Marxaladda KMG ah iyo gudashada waajibaadka adag sida Nabadda, dhamaystirka dastuurka, diyaarinta doorashada, dib u habeynta baralamanka, xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo wada shaqeynta dadka Soomaaliyeed oo ay wax ka go’aan.
7-in la dadajiyo howlo qeexan, qorshe waqtiyeysan iyo waajibaad tilmaaman.
8-waan in la joojiyaa dagaalka warbaahinta, waana in mudo sanad ah aan wax mowshin ah laga keeni Karin Madaxweynaha, Gudoomiyaha barlamanka, ku xigeenadiisa iyo Xukuumaba hadii aysan jirin sababo iyo cadaymo xoog badan.
9-in la 6 bil kadib dib u eegis lagu sameeyo howlaha Hay’adaha dowladda KMG.
10-Madaxda Urur goboleedka IGAD iyo EIC waxa ay dhisi doonaan Hay’ad siyaasadeed oo daba gal ku samaysa fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay, iyadoo la shaqeyn doonta QM, iyadoo Gudigaani uu ciqaano doono cidii heshiiskaasi burisa.
Qodobadaani oo ku midoobay heshiiskii loo magacdaray Kampala (ACCORD) waxa ay dadka qaar ku sheegeen in uu yahay dano shaqsiyadeed oo sheeko qaran loo badalay mana jirin taageero uu heshiiskaani helay marka laga reebo Saxiixayaashii ku adkeysanayay, waxaana ka dhashay kacdoon shacab oo lagu diidan yahay, waxaana dalka iyo dunida meelaha ay Soomaali ka joogto ka dhacay dibadbaxyo looga caraysan yahay heshiiskaasi.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa dibadbaxyadaasi oo ay aad u cara galiyeen waxa uu ku tilmaamay qaar la abaabulay lacagna lagu bixiyay dowladana aan looga adkaan doonin oo sidaasi aysan isku furfuri dooni dowladda.
Eedeynta Madaxweynaha waxa ay dhaliyeen dhowr su’aal oo tan ugu horaysa ay tahay hadii dadka ku dibadbaxayay Muqdisho ay lacag ku shaqeysanayeen dadka ku nool gobolada dalka iyo qurbaha ma lacagbaa lasiiyay? Waxaa kaloo jirtay su’aal oraneysay hadii shacabka soo bandhigida aragtiyadooda ay kiraystaan 6-dii bil ee Sheekh Shariif uu ahaa Gudoomiyaha Maxkamadihii kumanaankii ruux ee maalmahaasi taagnaa Tarabuunka ma lacag ayey ka qaadan jireen, Farmaajo ayaa hadalka Madaxweynaha ku mecneeyay waxba kama jiraan, waxaana uu sharuud ku xiray iscasilaadiisa.
Dibadbaxyadii socday waxaa ka dhashay qasaaro adag dhinaca Al Shabaab waxa ay uga faa’ideesteen in qaraxyo Ismiidaamin ah ku qaadaan Dekada magaalada Muqdisho sidoo kalana ay dileen Wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax, dhinaca dowladda waxa ay ciidamadeeda rasaas ku dileen dhowr ruux oo ka mid ahaa dibaxayaasha, iyaga oo qasab ku ku kala eryay dadkii banaanbaxayay, waxa ay sidoo kale xabsiga dhigeen qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay iyo Wariyayaal, dhinaca dadka waxa ay dhagax tuureen qaar ka mid ah Hoteelada Muqdisho, iyaga oo dab qabadsiiyay Hoteelka Madiina oo ay qarbudeen kadib markii rasaas looga soo riday Hoteelkaasi, waxaana ay xireen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana ay weerareen Radiyaha dowladda.
Dhamaan dhacdooyinkaasi waxba ma aysan ka badalin siyaasadii ay dabada ka riixayeen Saxiixayaasha Kampala ACCORD, cadaadis badan kadib waxa uu Farmaajo xilka ka dagay 19-bishii June ee 2011.
Maanta sanad ayaa kasoo wareegatay dhamaan dhacdooyinkaasi, Madaxdii is Khilaafsanayd xiligaasi wali xilkii ayey hayaan, mana jirto wada shaqeyn wacan oo u dhaxeysa, qodobadii lagu balamay midkoodna si dhab ah uma fulin Kampala ACCORD waxaa badalay Roadmap, Saxiixayaashii labada Shariif waxaa kusoo biiray 4 saxiixe oo kala ah Ra’iisul wasaaraha, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna.
Xalinta Khilaafyada wali dalka dibadiisa ayaa xal looga dhigaa, waqtiga waa gabo gabo, Maxalada waa xasaasi hadaba Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay Kampala ACCORD ma waxa uu ahaa heshiis Qaran ama dano shaqsi.
W/D: Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan.


















Mogadishu Time








