Faransiiska oo ciidamadiisa kala baxaya dalka Afghanistan
Paris-KNN: Dawlada Faransiiska ayaa ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxayso wadanka Afghanistan bisha July ee sanadkaan.
M/weynaha dalka Faransiiska Francois Hollande oo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Paris ayaa sheegay in dawladiisu ay bilaabayso inay ciidamadeeda kala baxdo dalka Afghanistan bisha soo socota ee July ee sanadkaan iyadoona la dhameys tirayo dabayaaqada sanadkaan.
M/weynaha Faransiiska waxaa uu xusay in dhamaadka sanadkaan 2012 ay dhamaan ciidamada Faransiisku ka wada bixi doonaan dalka Afghanistan taaso qeyb ka ah buu yiri qorshaha NATO ee ku saabsan ka bixitaanka dalka Afghanistan
War saxaafadeed xafiiska M/weynaha kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay dalka Afghanistan ee waxyeelada kasoo gaartay ciidamada Faransiiska uu sabab u yahay in 2 sano lasoo hor mariyo ka bixitaanka ciidamada Faransiska.


















Mogadishu Time








