Wasiirkii amniga Kenya oo geeriyooday
Nairobi-KNN: Wasiirkii amniga qarabnka dalka Kenya George Saitoti ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay meel u dhaw magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.
Wararka laga helayo dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa ku waramaya inuu geeriyooday wasiirkii amaanka dalka Kenya George Saitoti kadib markii ay qaraxday diyaarad nooca helicopter, ka ah oo maraysay hawada goob Keyn ah oo galbeedka ka xigta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
R/wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa warbaahinta dalkiisa u xaqiijiyay wasiirka iyo ku xigeenkiisii Orwa Ojode.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay bur burka diyaaradda oo ay iska lahaayeen booliska dalka Kenya,waxaana xilligan soo baxaya warar kala duwan oo ku saabsan shilkaasi


















Mogadishu Time








