Al-Qacida oo dagaalyahano looga dilay dalka Yemen.


Sanca-KNN:Duqeymo ay dalka Yemen ka geysteen diyaarado duuliye la'aan ah ayaa waxaa ku geeriyooday illaa iyo 9 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Qacidada Jaziirada Carbeed ee AQAP la yiraahdo.


Duqeyntaani oo ka dhacay gobolka Shabwa ee koofurta dalka Yemen waxaa la sheegay inay ku naf waayeen 9 dagaalyahan oo Al-Qacida ka tirsan .


Sida ay ku waramayaan warbaahinta dawlada Yemen  duqeyntaan oo ay geysteen diyaarado Maraykanku leeyahay ayaa waxaa la sheegay inay gantaalo la dhaceen guri la tuhunsanaa inay ku sugnaayeen xubno Al-Qacida ka tirsanaa.


Wararku waxay sheegayaan in duqeyntaani oo si gaar ah ugu dhaday deegaan la yiraahdo Cazaan oo ku yaala koofurta gobolka Shabwa.


Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa ku waramaysa in dad deegaanka ah ay u sheegeen inay arken gaadiid lagu qaadayay dhaawacyo dagaalyahano ku dhaawacmay duqeyntaasi.


Xaaladda yaa hadda degen waxaana la sheegay inay ku dhaw yihiin ciidamada dawlada oo gaadiid dagaal wata


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)