Isu soo bax ka socda dalka Masar.


Cairo-KNN:Isku soo bax kii ugu weynaa ayaa maanta ka soda fagaaraha xorriyadda magaalada Qahira ee xarunta wadankaasi Masar


Malaayiin ruux oo Masaari ah ayaa maanta oo jimco ah isugu soo baxay waddooyinka waa wayn ee ku yaala magaalooyinka dalka Masar.

 

Xaaladaha  magaalooyinka ay kamid tahay Qahira  ayaa ah mid kacsan , waxana gees ka gees magaalada Qaahira laga maqlayaa dhawaaqa dadka dibad baxyada dhigaya oo ka soo horjeeda go’aankii maxkamadda ay ku kala dirtay barlamaanka dalkaasi.

 

Sawirada musharaxa laga soo wada horjeedo ee Axmed Shafiq ayaa dadku waxa ay ku gubayaan fagaaraha  Taxriir la yiraahdo ee ku yaala bartamaha magaalada Qaahira.

 

Dhinaca kale hogaanka militriga dalka Masar ayaa sheegay in wareega labaad ee doorashooyinka madaxtinimo ee dalka Masar ay dhacayaan waqtigii loogu tala galay , waxaana ay ku baaqayaan in laga qeyb qaato doorashadaasi.

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)