Duqeymo ka dhacay dalka Yemen
Sanca-KNN:Diyaaradaha dagaalka dawlada Yemen ayaa maanta duqeeyay deegaano ku yaala koofurta dalkaasi oo ay xarumo ku leeyihiin dagaalyahanada Al-Qacida.
Inta la xaqiijiyay ilaa iyo hadda 5 ruux ayaa naftooda ku waayay tiro kalena waa ay ku dhaawacantay kadib duqeymo ay diyaaradaha dagaalka dawlada Yemen saaka ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Shabwa ee koofur bari wadankaasi halkaasoo la sheegay inay ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Qacida ee wadankaasi ka dagaalama.
Sida ay wararku sheegayaan duqeyntaan oo ka dhacday deegaano la aamisan yahay inay saldhigyo ku leeyihiin Al-Qacidada Jaziirada Carabta ee AQAP la yiraahdo.
Ilo dhinaca caafimaadka ah ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah la geeyay isbitaal ku yaala magaalada Cazzaan kuwaasoo qaarkood qaba dhaawacyo culus.
Warbaahinta dawlada Yemen ayaa ku waramaya in duqeyntaasi ay gacan ka geysteen diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Maraykanku leeyahay.
Ciidamada dawlada Yemen ayaa maalmahaan waday hawlgalo ka dhan ah Al-Qacidada wadankaasi ku sugan.


















Mogadishu Time








