Macalinkii hore ee Chelsea Andre Villas-Boas oo doonaya qabashada Tottenham.
London--KNN--Sida Caawa oo jimco ah lagu daabacay Wargeyska The Guardian ee England kasoo baxa ayaa la sheegay Andre Villas-Boas inuu doonayo qabashada shaqada banana ee kooxda Tottenham.
Ninkan udhashay dalka Portugal ee Villas-Boas ayaa hadal suuqa ku jira waxa ay sheegeen inuu codsi udiray maamulka Hotspurska uu ku dalab weydiistay inuu badalo Harry Redknapp oo shaqada ka tagay.
Naadiga kubadda Cagta ee Tottenham ayaa baadi goob ugu jirta shaqsigii badali lahaa macalinkii shaqada ka tagay ee Harry oo muddo soo leylinayey kooxdaasi.
Malkiilaha Hotspurs ee Daniel Levy ayaa sheegay in tababaraha qaban doona kooxdooda uu ka doonayo mid wax badan kusoo kordhiya kooxdooda oo uhorseeda sida uu rajeeyey koobab wax ku ool ah xagaaga soo socda.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








