Nigeria oo ay qaraxyo ka dhaceen


Lagos-KNN:Illaa iyo Sadex qarax oo waa weyn ayaa manta ku dhacay kaniisad ku taala gobolka Kaduna ee waqooyiga wadanka Nigeria


Sida ay sheegayaan wararka la helayo inta la ogyahay ku dhawaad 10 ruux ayaa naftooda ku waayay qaraxayaadaasi oo ahaa kuwo is xig xiga badankoodna loo adeegsday miinooyin kaniisada la dhigay.

 

Kooxaha gurmadka deg dega ayaa goobta gaaray waxaana goobaha caafimaadka la dhigay 8 qof oo qaarkood dhaawacyo halis ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka.

 

Wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Nigeria ayaa sheegtay ayaa sheegay in xaalad deg deg ah lagu soo rigay magaalada qaraxyadu ka dhaceen oo Zaria la yiraahdo.

 

Ma jirto willi cid sheegatay mas’uuliyadda hase ahaatee hay’adaha amaanka dalkaasi waxay ku eedeeyeen jabhadda Boka Xaraam oo dalkaasi ka dagaalanta.

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)