Waddamada Germany iyo Potugal oo ugudbay Wareega Quarter Finalka Euro 2012
Kyiv--KNN--Kadib Kulamo xiiso badan oo xalay ka dhacay dalak Ukrine oo la isku jilbo murxay ayaa gaba-gabadii labo Xul goosteen Ticketki ayk raaci lahaayeen Buska Lagu tagayo Wareega 8-da uero 2012.
Germany oo 2-1 dhabarka usaartay kooxda Qaranka Danishka ayaa Group B kaga soo baxay Kaalita 1aad seddex kulan ay ciyareena 9 dhibcood la yimid.
Gool 19 daqiiqo qeybta hore uu dhaliyey Lucas Podolski ayaa hogaanka udhibay qaranka Germany hayeeshe 5 daqiiqo kadib waxay Danishku heleen goolkii Bar bar dhaca ahaa Krohn Dehli ayaana Bareejo ka dhigay.
Qeybta Hore ee Ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-1 waxaana jiray fusado badan oo goolal loo filan karay iska khasaariyen waxaana goolkii guusha udhaliyey Daqiiqadii 80aad Lacas Bender oo Germany katirsan.
Dhinaca Kale C.Ronaldo ayaa uhorseday Xulka Portugal inay usoo gudbaan Wareega Quarter Finalka Euro 2012.
Labo gool uu kala dhaliyey qeybta hore iyo qeybta dambe kabtan C.Ronaldo ayey kaga guul gaaree xulka k/cagta Oranjiga ee Holland.
Gool uu dhaliyey Van Der Vaart 11 daqiqo ayaa Holland hogaanka udhiibay hayeeshee 28-daqiiqo ayaa goolkii bar bar dhaca ahaa waxa u dhaliyey Portugal C.ronaldo iyadona Ronaldo mar kale goolkii guusha usaxiixay daqiqadii 74 aad sidaana ay ugu gudubtay Sideed dhamaadka Euro 2012.
Xasan Cabdullahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








