Kooxda Barcelona oo sheegtay Laacibkooda Tello ay iibin doonaan.


Barcelona--KNN--Tababaraha Naadiga Barcelona ayaa sheegay inay suurta gal tahay iibinta xidigooda Cristian Tello ee garabka dhexe ka ciyaara.


Tito Vilanova oo ah macalinka Catalaniga ayaa sheegay inay ka faa’ideysan doonto Barca lacagaha lagu doonayo xidigooda.

“Waxa 7 million oo bound Tello ku baadi goobaya kooxaha Liverpool iyo Valencia hadii 10 ay bixiyaan naadiyadaasi midood waan fasaxi doonaa ayuu yiri tababaraha kooxda Catalaniga Vilanova”.

Da’yarka Barcelona Cristian Tello ayaa laga yaabaa inuu go’aan ka gaaro suuqa iibinta ay soo dhigtay kooxda uu uciyaaro waxaana la leeyahay inuu ka fikiri doono mustaqbalkiisa.

Tello ayaa heshiiska uu kula jooga waxaa uu dhacayaa sanadka 2013 iyadoo ay macquul tahaybaa la leeyahay inuu barca ka tago laacibkaasi.

 

Xasan Cabdullaahi

 

 

 

Qeybta Sportiga KNN

 

 

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)