Fadhiyadii baarlamanka Kuwait oo la hakiyay


Kuwait city-KNN:Fadhiyadii baarlamaanka wadanka Kuwait ayaa lagu dhawaaqay in hakad la galiyay kadib markii is faham waa soo kala dhex galay baarlamaanka iyo wasiirada


Amiirka dalka Kuwait Sh,Sabaax Al-Axmad Al-Jaabir Al-Sabaax ayaa soo saaray wareegto uu hagad ku gelinayo muddo bil ah fadhiyadii barlamaankii dalkaasi taasi uu ku micneeyay is fahan darro soo kala dhexgashay golaha wasiirada iyo barlamaanka dalkaasi Kuwait.

 

Amiirka ayaa wareegtadiisa u tiigsaday qodobka 106 aad ee dastuurka dalkaas  kaasoo dhigaya in Amiirka uu xaq u leeyhay in muddo hal bil ah uu joojiyo fadhiyada barlamaanka.

 

Labo xubnood oo ka tirsanaa golaha wasiirada dalka Kuwait ayaa labo bil gudahood isku casilay sababo ay ku sheegeen musuq maasuq ka dhex jira golaha wasiirada.dalkaasi.


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)