Boko Xaraam oo weeraro hor leh ku hajabtay
Lagos-KNN:Jabhadda Boka Xaraam ee ka dagaalanta wadanka Nigeria ayaa ku hanjabtay inay weeraro xoogan ka geysan doonoto wadankaasi
War ka soo baxay jabhadda hubaysan ee ka dagaalanta Booka Xaraam ayaa lagu sheegay in jabhaddu ay ka dambaysay weeraradii iyo qaraxyadii lala eegtay kaniisado ku yaala waqooyiga dalkaasi halkasoo ay ku waxyeeloobeen dad masiixiyiin ah.
Warka jabhadda ay soo saartay ayaa sidoo kale loogu hanjabay dawladda Nigeria waxaana Boka Xaraam ay sheegtay inay sii laba jibbaarayso weerarada ilaa iyo inta dalkaasi lagu dhaqayo Sharceeda Islaamka.
Maalin ka hor ayay ahayd markii waqooyiga dalka Nigeria ay ka dhaceen weeraro iyo qaraxyo dad badan ay ku nafwaayeen


















Mogadishu Time








