Wiil uu dhalay Laacibkii hore ee Barcelona Romario oo ku biiray Naadiga Barca.
Barcelona--KNN--Sida manta lagu daabacay website-ka Barcelona ayaa sheegtay inay heshiis la saxiixatay wiil uu dhalay Romario oo halyeey hore usoo ahaa kooxdaasi.
Romarinho oo ah 18 jir ayaa la saxiixday heshiis kooxda aabihii hore uga soo ciyaaray waxaana dad badan ay ku tilmaameen in qaab ciyaareed wanaagsan lasoo baxay da’yarkaan.
Inkastoo si rasmi ah uusan ugu biirin laacibkaan naadiga barca ayaa hadana waxa la sheegayaa in dhawaan uu ku wajahan yahay dalkaasi spain.
“Wiilkeyga Romarinho oo 18 jir ah ayaa lagu wadaa xagaaga soo socda ku biiri doona kooxdiisii hore ee Barca sidaasi waxa sheegay Romario oo halyeey dhinaca sportiga ahaa.
Waxaan rajeynayaa in Wiilkeyga uu la baratamo kooxda Barca laacibka uciyaara Messi waxaana uu sheegay Romario in ku Faani doonaan Barca da’yarkaasi Romarinho.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








