Didier Drogba oo Si toos ah uqabtay Kooxda SHiinaha ka dhisan ee Shanghai Shinwa.
London--KNN--Weeraryahanka Waqtiga kusoo qaatay Kooxda Chelsea ayaa manta uu talaado ah ka dagi doona dalka Shiinaha kooxda ka dhisan kaasi oo si toos ah uga mid noqon doona.
Drogba kabtanka Xulka Ivory Cost ayaa heshiis labo sano iyo bar ah la galay kooxdaasi waxanaa uu sanadkii qaadan doonaa adduun lacageed gaaraya 12 million oo bound.
Naadiga Shanghai Shinwa ayaa Drogba kula wareegtay lacag dhan 30 million oo boundka ingiriiska.
Kooxda ka dhisan caasimada Shiinaha ayaa mas’uuliyiin uhadashay waxay sheegeen in Drogba iyo Anelka wax badan kusoo kordhin doonaan Shanghai shinwa.
Tan iyo markii Blueska qaaday Koobka Horyaallada Yurub Champions league 19 may 2012 ayaa Drogba waxa uu sheegay in sumcad kaga tagi doono garoonkaasi waxaana manta ugu dambeyn ka dhaqaaqay Stamford bridge ee magaalada London isagoo qabtay dalka Shiinaha.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








