Xaaladda caafimaad ee Xusni Mubaarak oo laga dayrinayo
Cairo-KNN:Warar is qilaafsan oo ka soo baxaya xaaladda caafimaad ee M/weynihii hore ee dalka Masar Maxed Xusni Mubaarak oo ku xanuunsanaya isbitaal ku yaala magaalada Qahira
Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr Xusni Mubaarak uu geeriyooday halka warar kale oo laga soo xiganayo dhaqaatiirta daweenaysa Mubaarak ay sheegayaan in xaaladdiisa caafimaad ay aad u liidato oo lagu xeray qalab lagu neefsado oo gacan ku samays ah.
Ehelada madaxwaynaha ayaa ka gaabsaday inay wax war ah ay siiyaan saxaafadda , waxaana Max’ed Xusni Mubaarak uu ku jiraa haatan isbitaal militrigu uu leeyahay oo ku yaala koonfurta magaalada Qahira ee caasimada dalka Masar .


















Mogadishu Time








