isku dhacyo maanta ka dhacay Kabul.


kabul--KNN--Isku dhac soconayay muddo ka badan labo saac ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada kaabuul ee caasimadda dalka afganistan .


Isku dhac soconayay muddo ka badan labo saac ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada kaabuul ee caasimadda dalka afganistan .


Isku dhaca ayaa yimid kadib markii dagaalyahanno ka tirsan ururka Talibaan ay weerar ku soo qaadeen hotel u dhow badda kaarqaa oo 10KM u jira bartamaha magaalada kaabuul ee caasimadda dalka afganistan , waxana uu sababay dhimashada in kabadan 15 ruux.

 

Kooxaha talibaanka ka tirsan ee weerarka soo qaaday ayaa damacsanaa inay afduubtaan ajaanib hotelka ku sugnayd iyagoo dilay qaar ka tirsan ilaaladii hotelka ,

 

Wasaaradda arimaha gudaha dalka afganistan ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay fashiliyeen weerarkaasi .

 

Afayeen wasaaradda arimaha gudaha u hadlay ayaa sheegay inay dileen qaar ka tirsan dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)