Xulka Germany oo Awood ugu soo gudbay Semi Finalka Euro 2012
Kyiv--KNN--Kulan ka dhacay PGE Arena Gdensk stadium ee dalka Ukrine ayaa waxa xalay fooda is daray wadamada Germany iyo Greece.
Inkastoo kulanka natiijadiisu ahayd mid dadka sii ogaayeen saadaalintana sidii la filayey ayey noqotay markii Germany ku dur duriyeen Xulka Greece.
Qaab difaaceed ay kusoo galeen galeen waddanka Greece ayaa waxba utari weysay markii 39-daqiiqo qeybtii hore uu gool kaga naxsaday Greece kabtanka Germany Philp lahm waxaana afar sano kadib uu uhorseeday inay Germany gaaraan Afar dhamaadka Koobka Qaramada Qaarada Yurub.
Waxaa lagu kala nastay goolkaasi uu germany ku hogaaminayey Ciyaarta markii la isku soo laabtay qeybtii labaad oo badal deg deg ah labo ciyaaryahan oo galiyeen garoonka Xulka Greece waxay suura galka dhigtay inay bar bar dhac noqdan marki gool qurux badan G.Samaraa uu udhaliyey Qaranka Greece daqiiqadii 55aad.
Waxay socotaba waxa fadhiga gool ka kiciyey usaxiixay xulka Germany sami Khadira daqiqadii 61 aad waxana goolkasi uu noqda midkii ay ku niyad jaben Greece.
Daqiiqadihi 68 aad iyo 74aad goolal ay kala dhaliyeen laacibiinta M.Klose iyo Marco Reus ayey Germany ku xaqiijiyeen inay dhib yari ku gaareen Afar dhamaadka Semi Finalka 2012.
Gool umuuqday niyad dhis ayaa waxa helay daqiiqadii 89aad Greece waxaana gool ku laad rigoore ah uxaqiijiyey Salpingidis (pen) markii diilinta ganaaxa gacanta kubad kaga dhacday Boenteng oo difaaca germany ah waxana kulanka kusoo dhamaaday 4-2.
Waddanka Germany waxa uu la ciyaari doonaa 28 bishan xulkii soo baxa England iyo Talyaaniga waxaana Germany uu yahay mid ka mid ah waddamada loo saadaalinayo koobka Qaramada Yurub ee sanadka 2012.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








