Masar oo Madaxweyne cusub maanta yeelanaysa.


Cairo--KNN--Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka masar oo ay u tartamayaan Musharixiinta kala ah .....


 

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada doorashooyinkii madaxtinimo ee dalka masar oo ay u tartamayaan Musharixiinta kala ah Max’ed Mursi iyo Axmed shafiiq oo labadooduba ay sheeganayaan in guul ay gaareen.doorashada.

 

Malaayiin ruux oo masaari ayaa isugu soo baxay wadooyinka waawayn ee dalka masar kuwaas oo kala taageersan labada musharax.

 

Militriga dalka masar ayaa ugu baaqay shacabka reer masar inay muujiyaan deganaan oo ay ka fogaadaan falal amni darro.

 

Waxaa dadka masaarida maanta ay u noqonaysaa maalin taariikhi ah maadaama ay iska rideen madaxwayne sanado badan u talinayay oo ay soo saacadaha soo socdana ay dooran rabaan madaxwayne kale. 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)