Max'ed Mursi oo noqday Madaxwaynaha dalka Masar.
Cairo--KNN--Musharixii u tartamayay ururka ikhwaanu muslimiin Maxed Mursi ayaa ku guulaystay doorashadii Madaxtinimo ee dalka Masar , isagoo ka guulaystay Musharixii la tartamayay ee Axmed shafiiq sida ay ....
Musharixii u tartamayay ururka ikhwaanu muslimiin Max’ed Mursi ayaa ku guulaystay doorashadii Madaxtinimo ee dalka Masar . isagoo ka guulaystay Musharixii la tartamayay ee Axmed shafiiq sida ay shaaciyeen guddiga doorashada dalka Masar ee uu madaxda ka yahay Faaruuq Suldaan.
Markii lagu dhawaaqay natiijada ayaa malaayiin ruux oo masaari ah waxa ay dibad baxyo waa wayn ka dhigeen magaalloyinka dalka Masar iyo dalal badan oo caalamka ku yaala.
Dadka dabaal dagaya ayaa xamaasaddoodu wax ay tahay mid aad u kacsan iyagoo ku faraxsan guusha u soo hoyotay Max’ed Mursi oo ikhwaanu muslimiin ka tirsan kaas oo noqday Madaxwaynaha dalka Masar.
Madaxwaynaha cusub ee dalka Masar ayaa jeediyay hadal ay ku maqsuudeen taageerayaashiisa iyo madaxda dalalka caalamka isagoo sheegay inuu yahay shaqsi jecel inuu xiriir wanaagsan uu l;a yeesho dalalka caalamka .
“Maanta waa maalin wayn , waana maalin farxad u ah dadka masaarida eek u kala sugan gudaha iyo dibadda , bariga iyo galbeedka , waqooyiga iyo koonfurta “ayuu yiri Max’ed Mursi isagoo intaa hadalkiisa ku sii daray in daacadnimo iyo cadaalad uu ku maamuli doono dalka Masar .
Musharixii guul daraystay ee Axmed shafiiq ayaa qirtay in laga guulaystay islamarkaana uu la shaqayn doono saaxiibkiisa Max’ed Mursi.
Madaxwaynaha dalka Maraykanka Barrak obama ayaa fariin hambalyo ah u diray madaxwaynaha cusub ee dalka Masar Max’ed Mursi , wazxana sidoo kale fariin hambalyo ah soo diray madaxwaynayaasha dalal dhowr ah oo reer galbeedka ka tirsan iyo caalamka islaamka.


















Mogadishu Time








