Inter Milan oo dib dhigtay iibinta Maicon (Sababta maxay tahay)


Milan--KNN--Naadiga inter Milan ayaa dib udhigtay iibinta difaaceeda Maicon inta ay lasoo wareegayaan laacibkii badali lahaa xidiggaasi.


Nerazzur ayaa dalab udirtay difaaca buuxa ee kooxda lille Mathieu debuchy kaasi oo ay aaminsan yihin inuu badal unoqon karo Hadi maicon ka dhaqaaqo kooxda Inter Milan.


Inter Milan ayaa 5 million oo euro lacag gaareyso ku raadineyso xidigga garabka midig ka ciyaara ee xulka france iyo Lille debuchy.


Difaaca reer brazil ee maicon ayaa laga yaabaa inuu iskaga tago kooxda inter Milan kasi oo ay si weyn uraadinayso kooxda real Madrid ee ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga.


Maamulka nerazzuri ayaa ku xirtay inay fasaxaan maicon helitanka ciyaarahanka uciyaara lille Mathieu Debuchy.

 

Xasan cabdullaahi

Qeybta Sportiga KNN

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)