Turkiga oo dhoolo tus militiri ka wada xadka uu la wadaago dalka Siiriya


Ankara--KNN--Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan xadka ay wadaagaan dowladaha siiriya iyo Turkiga ciidamo aad u fara badan oo Turkish ah iyo .............


Sida ay sheegayaan goob joogayaal ku sugan xadka ay wadaagaan dowladaha siiriya iyo Turkiga ciidamo aad u fara badan oo Turkish ah iyo gaadiid dagaal oo taankiyayaal ay ku jiraan ayaa la soo buux dhaafiyay xadka dalkaasi uu la wadaago dalka siiriya .

 

Wargayska al xuriyah ee ka soo baxa dalka turkiga oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan wasaaradda kaashaandhiga dalka turkiga ayaa ku waramaya in ciidamo ay yihiin kuwo wada dhoolo tus militari oo ay ku cabsi gelinayaan dowladda siiriya oo maalmo ka hor ka soo riday diyaarad dagaal.

 

Dhinaca kale madaxwaynaha dalka siiriya bishaar al asad ayaa isna sheegay in dalkiisu dagaal rasmi ah uu kula jiro dowlado uu ku sheegay inay yihiin cadowga siiriya , waxana bishaar al asad uu amar ku bixiyay in talaabo laga qaado cid waliba oo ku xad gudubta madaxbanaanida dalka siiriya



Community Comments
Asc all shaqalaha idacada kulmiye then ad ba ugu mahadsantihin sida wcn ad nagu sogudbisan wararka dhacdoyin waxan idinka codsanaya inad ku sodartan wararka kajira dalka sudan wuqoye e casimada khartoum o malmahan ku sokordhen goboladisa mudaharadyo kala duwan marka websedyada calamka waxay ka qoran nagu sogudbiyo o afsomali ku qoran wad mahadsantihin
Posted by Sudan on 6/28/2012 5:50:48 PM

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)