Iner Milan oo wada hadalo la furtay Laacibka Man City De jong
Manchester--KNN--Kooxda Nerrazzuri ee horyaalka Talyaaniga ayaa sheegtay ina doonayaan sidii ay ku heli lahaayeen khadka dhexe Manchester City De jong.
Ciyaaryahankan udhashay Dalka Holland ayaa si weyn waxa ubaadi goobayo kooxda ku ciyaarta san siro stadium iyagoo sheegay in wada hadal usocdaan lacibkasi.
De jong ayaa shegay inuu ku faraxsan yahay inuu kusii nagaado naadiga uu hadda katirsan yahay waxaana uu intaa ku daray in mushaar ku filanka qaato city waxa igu qasbayana ma jirto boos joogto ah waan hela ayuu yiri De jong.
Xidiggan dutch-ka uciyaara ayaa ka mid ahaa laacibintii ku fashilmay inay Holland mel wanaagsan keenaan tartanka qaramada qaarada yurub 2012 sedex kullan ay ciyaartana laga adkaaday.
De jong ayaa xagaagan kula guuleystay kooxdiisa Manchester city horyalka premiershipka England 44 sano kadib waxaana uu ka mid aha halyeeyadii uqaaday Man city horyaalka England xilli ciyaareedka 2011-2012.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








