Difaaca Bruno Alves oo laga yaabo inuu ku biiro kooxda Juventus.


Poznan--KNN--Difaacan udhashay dalka Portugal Bruno alves ayaa sheegay inuu doonayo kubiiritaanka kooxda Juventus ee horyaalka Dalka Talyaaniga.


Alves oo hadda uciyaara kooxda Zenit St. Petersburg ee horyaalka Russia ayaa sheegay inuu jecel juventus inuu ku biro aabihiisna uu kula taliyey inuu ku biiro naadigaasi.

 

30 sano jirkaan portugueska bruno alves ayaa ka mid ah laacibiinta kaga qeybgalaya Portugal Euro 2012 caawana ka mid ah xulka Portugal kulanka ay la ciyaarayaan Spain.

 

“Wiilkeyga waxaan la jeclahay inuu ku biro naadiga Juventus waana uu iga aqbalay ayuu yiri Washiton alves oo ah aabaha dhalay bruno alves mar uu lahadlayey Tutto sports.

 


Kooxda
Zenit St. Petersburg ayaa ka mid ah kooxaha ugu  awooda badan  horyaalka Russia waxaana la ogeyn sida ay ka yeeli doonto ciyaaryahanka Bruno Alves sida ay ufasaxi doonto.

 

Xasan Cabdullaahi

 

Qeybta Sportiga KNN

 

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)