Kooxda Bayern Munich oo xaqiijisay la wareegitaankeeda Mandzukic


Munich--KNN--Maamulka naadiga Bayern Munich ayaa xaqiijiyey inay la wareegen Laacibka Mario mandzukic ee udhashay dalka Croatia.


 

Mandzukic oo ka ciyaara dhinaca Weerarka ayaa Bayern kala soo wareegtay kooxda Wolgsburg ee horyaalka Jarmalka iyagoo 26 jirkaan ku biirinaya xilli ciyaareedka soo socda Alliance Arena.

 

Mandzkic ayaa la galay Bayern munich heshiis dhan afar sano oo uu la joogi doono naadigiisa cusub.

 

Sidoo kale Bayern ayaa heshiis xagaagan lasoo gashay Dante iyo Cloudio Bizzaro waxaana ay iska fasaxeysaa Ivica Olic iyadoo sidoo kale bavarianku baadi goobayaan Weeraryahanka Man city Eden Dzeko.

 

 

Christian Nerlinger maamulaha Bayern Munich aya khudbad uu maanta jeediyey ayaa waxa uu sheegay in 26 jirkaan udhashay Croatia ay muhiimad gaar ah uleedahay Bayern  ala soo wareegitaankooda.

 

 

 

 

 

 

 

Xasan Cabdullaahi

 

 

 

Qebta Sportiga KNN

 

 

Muqdisho-Somalia

 

 

 

 

 

 

 


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)