David Silva oo sheegay inuu Iniesta ka fiican yahay Ronaldo iyo Messi
Poznan--KNN--Manchester City kubad qaabeeyaheeda David Silva ayaa sheegay in Andre iniesta uu ka wanaagsan yahay laacibiinta Messi iyo C.ronaldo.
Silva xidigga gaaban ee Xulka Spain ayaa ku tilmaamay Iniesta nin ku wanaagsan sameynta fursadaha goolal abuurka iyo dhalinta intuba.
“Waxaan Aaminsanahay in Andre Iniesta uu yahay laacibka adduunka ugu wanaagsan islamarkaana ku tilmaamay mid kafiican C.ronaldo iyo l.messi ayuu yiri David Silva”.
Silva ayaa dadka ciyaaraha daawada ku sheegaan ama ku naaneysaan Messiga yurub waana mid ka mid ah laacibiinta ugu wanaagsan ee dhexda ka ciyaara.
“Ma aqaano aniga Ronaldo iyo Messi shaqsiyadooda laakiin Andres iniesta waa nin weyn marka la eego sida uu uciyaaro kubadda cagta dabciyana waxaan ka sheegi karaa nin wanaagsan ayuu yiri David Silva”.
La Roja xulka Lagu naaneyso ee Spain ayaa usoo gudubtay xalay Finalka Euro 2012 waxaana ay la ciyaari doontaa 1 july 2012 germany ama talyaaniga caawa midkii soo badiya.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








