Balotelli oo Talyaaniga usuuro galiyey inay Finalka Euro 2012 Gaaraan


Warsaw--KNN--Weeraryahanka xulka Talyaaniga ayaa labo gool uu qeybtii hore ee ciyaarta waxa ay usahashay inay si fudud ku dhaafaan xulka Germany.


Daqiiqadihii 20aad iyo 36aad ayaa balotelli labo gool oo midkood madax uu ku dhaliyey waxay niyad jab ku riday laacibiinta usafneyd Germany qaarkoodna ciyaaryahanada iskudayo ay sameeyeen ku guul dareysteen.

 

Inkastoo gool ku laad ay dhaliyeen daqiiqadii 90aad Germany waxay awoodi waayeen inay helaan goolkii bar bar dhaca ahaa sidaana 2-1 looga badiyey Jarmalka.

 

Balotelli oo aan lagu aqoon inuu farxo xilliyada uu goolasha dhaliyo ayaa xalay markii ugu horeysay ku farxay goolkii labaad markii uu shabaqa Germany ku ruxay funaanadana farxad darted siibay.

 

Germany oo loo saadaalinayey inay ku guuleysan kareen Koobka Qaramada Qaarada Yurub 2012 ayaa xalay laga cirib tiray inay usoo gudbaan finalka iyadoo Talyaaniga usuura gashay inay gaaraan Kama dambeysta lana kulmi doona 1 july kulan ka dhacaya Kyiv Xulka Spain.

 

Xasan Cabdullaahi

 

Qeybta Sportiga KNN

 

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)