Liverpool oo indhaha ku heysa Goolhayaha Lyon badalna uga dhigeysa Reina


Liverpool--KNN--Tababaraha Kooxda Reds-ka Liverpool Brendan Rodgers ayaa isha ku haya olympique Lyon goolhayaheeda Hugo Lloris.


Reina oo booska Gool qabashada uga ciyaara Liverpool gaar ahaan garoonka Anfield Stadium ayaa la raadinayaa badal ninkii unoqon lahaa kaasi oo laga yaabo in Ac Milan kubiiro.

 

Macalinka Reds-ka Rodgers waxa uu sheegay inay wadahadalo kula jiraan Lloris oo Les Blueska France goosha uhayey Euro 2012 taasi oo ay sheegeen in badalka Reina uuisaga noqon karo.

 

Pepe Reina oo 25 san jir ah ayaa Liverpool muddadii uu kula sugnaa kula guuleystay koobka Horyaallada Yurub 2005-tii kulankii mucjisada ahaa ay Liverpool gool ku laadyada kaga qaadeen Ac milanee finalkiisa kadhacay dalka Turkiga.

 

Reina ayaa sidoo kale kula guuleystay  Liverpool Koobka FA Cupka iyadoo mudooyinkii dambe goolhayahaasi uu habac kamuuqday.

 

LE 10 Sports ooah wargeys kasoo baxa England ayaa wareysi uu siiyey Tababaraha Liverpool waxa uu si cad usheegay in ay diyaar uyihiin fasaxida Reina hayeeshee ay badalkiisa ka dhigi doonaan Lloris-ka Lyon goosha uqabta.

 

Xasan Cabdullaahi

 

Qeybta Sportiga KNN

 

Muqdisho-Somalia


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)