Fabregas oo Cabsi ka muujiyey kulanka Finalka Balotelli iyo Pirlo
Kiev--KNN--Khadka Dhexe laacibka kaga ciyaara Spain Cesc Fabregas ahaana halyeeygii Goolka guusha udhaliyey Spain kulankii Portugal kasoo adkaadeen ayaa rumeysan in Mario Balotelli yahay nin Qatar ah isaga iyo Andre Pirlo.
Xidiggaan uciyaara Barcelona Cesc ayaa tibaaxay in axada 1 luuliyo Finalka ay la ciyaarayaan Waddanka Talyaaniga uu yhaay mid aan la sahlan karin.
“Anagu waxaan awoodeena iskugu geyn doonaa inan joojino talyaaniga weeraryahanadooda si khaas ah waxaan u ilaalin doonaa Pirlo ayuu yiri Fabregas”.
Sidoo kale Cesc Fabregas ayaa ku tilmaamay Balotelli nin weyn dhinaca kubad ciyaareedka waxaana goolashii uu ka dhaliyey Germany ay caaqibo lahaayeen kana cabsi qabo in isagoo awood tamareed adeegsanaya uu si fudud ku dhaafo difaaca spain oo lafo yar isaga marka la eego.
Xaqiidii waxaan jeclaan lahaa inuu waddankeyga ku guuleysto Euro 2012 waxaana laacibiinta aan is leeyahay Talyaaniga waa Qatar waxa ka mid ah Antonio Cassano niyadiina Wanaajiya Ayuu yiri Fabregas Taageerayaasha adduunka ku kala sugan ee Spanishka usacbo tumaya.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








