Xaalada Syria oo laga shirayo


Geneva-KNN: Kulan albaabadu u xiran yihiin ku saabsanb xaalada kacsdan ee mudada dheer ka jierta wadanka Syria ka furmay Magaalada Geneva


Madaxda wadamada caalamka badankood ayaa maanta kulan albaabadu u xiran yahay oo looga hadlayo xaaladda wadanka Syria waxaa uu uga furmay magaalada Genbeva ee xarunta wadanka Switzerland.

 

Hogaamiyaasha wadamada reer galbeedka oo kulankaan hormuud u ah ayaa si kulul ugu eedeyauy wadamada caalamka gaar ahaan dawladaha Rush,ka iyo Shiinaha inay xukuumadda Syria ku gacan siiyaan caburinta shacabka diidan sida ay hadalka u dhigeen.

 

Wafdi ka socda dawlada Ingiriiska ayaa sheegay in ujeedooyinka kulankaan ay ka mid yihiin sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka 16 bilood jirsaday ee Syria ka socda.

 

Xog’hayaha arrimaha dibadda Maraykanka Hillary Clinton oo shirkaan ka qeyb galaysa ayaa saxaafadda u sheegtay in shirkaan laga rajaynayo inay ka soo baxaan go’aan ka dhan ah dawlada Syria.

 

Wakiilka Q,M u xil saartay arrimaha Syria Kofi Annad iyo dawladaha Qatar, Turkey, Kuwait, iyo Ciraaq oo lagu casuumay ayaa shirkaan ka qeyb galaya.   


Community Comments

Name: (Required)

Email: (Required)

Comments: (Required)