Suudaan oo in ka badan 1,000 ruux lagu xerxeray.
Khartoum--KNN--Sida ay sheegayaan koox u doodda xuquuqda iyo xuriyadda oo ku sugan dalka suudaan ciidamada dowladda suudaan ayaa xabsiyada u taxaabay in ka badan 1000 ruux oo ......
Sida ay sheegayaan koox u doodda xuquuqda iyo xuriyadda oo ku sugan dalka suudaan ciidamada dowladda suudaan ayaa xabsiyada u taxaabay in ka badan 1000 ruux oo ku sugan magaalooyin ku yaala dalka suudaan kuwaas oo ka qeybqaadanayay dibadbaxyada todobaadkii labaad ka soconaya dalka suudaan.
Afayeen u hadlay kooxdan oo diiday in la shaaciyo magaciisa ayaa sheegay in dadka loo taxaabay xabsiyada loo geesto tacadiyo ka dhan ah bini’aadinimada .
Dadka le xeray ayaa waxaa kamid ah kaamiro maan u shaqeeyay wakaaladda wararka ee AFP oo lagu magacaabo dhilaal saciid oo sawirro ka qaadayay kumanaan ruux oo isugu soo baxay caasimadda khartuum.
Wararka ayaa sheegaya in 24 saac irdaha la isugu dhuftay xafiiska AFP ay ku leedahay magaalada Khartuum.
Ciidamo boolis ah ayaa dadka dibadbaxyada ka wada dalka suudaan u adeegsanaya gaaska dadka ilmaysiiya iyagoo sidoo kale isticmaalaya budad.
Wasiirka warfaafinta dalka suudaan Gaazi al sidiiq ayaa sheegay in dadka suudaaneeska ah ay xaq u leeyihiin in ra’yigooda ay ku cabbiraan hab nabad galyo ah laakiin ay joojiyaan dibad baxyada rabshadaha wata .
Dalka Suudaan ayaa kamid noqonaya dalalka ay ka soconayaan dibadbaxyada rabshadaha wata , waxana dadka dibad baxaya ay codsanayaan in xilka uu iska wareejiyo madaxwaynaha dalka suudaan general cumar xasan Al bashiir


















Mogadishu Time








