Tababaraha spain oo sheegay in Sanadkaan iyaga laga xigin Euro 2012
Warsaw--KNN--Shir jaraaid uu xalay ku qabtay magaalada Kiev ee Xarunta Dalka Ukrine ayaa sheegay in Awoodooda ciyaareed iskugu geyn doonaan sidii ay guul uga qaadan lahaayeen waddanka Talyaaniga.
Waan aaminsanahay in laacibiin Qatar ah aan wajaheyno caawa hase ahaatee muhiimada ciyaarta ay siinayaan ay noqon doonto inay lagdaan Azuhri.
“Dabcan waa kulan xiiso leh marna murugdiisa warta hadana gari labo nin kama wada qoslisee aan eegno cida guusha qaadata ayuu yiri Del Bosque.
Wiilasha Talyaaniga waa laacibiin hayeeshee inagu waxaan siineynaa in awood ciyaareed kusoo bandhigno kulanka Caawa ayuu hadalkiisa sii raaciyey Del Bosque.
Caawa waxaa ballansan Italy iyo Spain kuwaasi oo labada waddan midba midka kale uu doonayo inuu ku guuleysto Koobka Qaramada Qaarada Yurub 2012.
Xasan Cabdullaahi
Qeybta Sportiga KNN
Muqdisho-Somalia


















Mogadishu Time








